“Tirada rasmiga ah ee shaqaalaha u diiwaan gashan xukuumadda Somaliland oo la ogaaday

Hay’adda shaqaalaha dowladda ee Somaliland    ayaa rasmi ahaan ah ugu dhawaaqday tirada guud ee shaqaalaha dowaladda u shaqeeya.

Diiwaangelinta shaqaalaha dawladda SomalilandDiiwaangelinta shaqaalaha dawladda Somaliland

Tirada shaqaalaha dowlada oo lagu ogaaday diiwaangelin soo socotay lix bilood oo hay’adda shaqaalaha uu ka caawiyay baanka adduunka, ayaa hadda lagu ogaaday in tirada shaqaaluhu tahay wax in yar ka badan afar iyo toban kun oo qof , kuwaasoo boqolkiiba 75 rag ah . Shaqaale badan ayaa iska dhimay tiradii hore, kuwaasoo tiradoodu ka badan tahay 2,400 oo qof.

Guddoomiyaha hay’addaas Sharma’arke Axmed Muxumad oo BBC ay weydiisay waxa ay diiwaan galintu ka tari karto mushaarka shaqaalaha oo yar wuxuu yidhi “xirfadooda iyo xoolahooda ayaa la kordhinayaa, wax u qalma oo ay qaranka ugu adeegi karaan ayaa loo diyaarinayaa”, laakinse kororsiimadaas xagga mushaarka ah weli si rasmi ah shaaca loogama qaadin inta ay noqonayso.

Tirada ka dhiman shaqaalaha dawladda ee loo yaqaanno “caagleyaasha” ama dadka aan iminka tiradaas ku jirin ayuu sheegay Sharma’arke in dawladdu ay bilaabi doonto hanaankii dib loogu habayn lahaa tiradooda.

“In shaqaale dawladeed la wada noqdo ma aha muhiimadda. Dawladdu waxay samaynaysaa hanaan shaqo abuur oo dhalinyarada maalgelin iyo iskaashatooyin iyo qorshayaal shaqo abuurineed loo sameeyo” ayuu yiri.

Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ay shaqo la’aanta ba’an iyo saboolnimada ka jirto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker