Saddex Ciyaartooy Oo Ka Tirsan Kooxda Juventus Oo Laga Helay Xanuunka CoronaVirus

Kooxda Juventus ayaa si dhakhso leh u joojisay dhamaan tababaradeedii waxaana ay kadhigtay in lala macaamilo dhamaan ciyaartoydooda da’doodu ka yartahay 23 jir kadib markii sedex ka mid ah kooxdaas laga helay cudurka Coronavirus

 

 

Kooxdan ayaa ku dhawaaqday go’aankan xalay, kadib markii ay la ciyaartay kooxda Pianese, oo ay kaga badiyeen 1-0. Iyada oo laga cabdi qabo in uu cudurku ku sii fiday naadigaas, waxayna shaacisay in cudurkan laga helay saddex ciyaartoy iyo maareeyaha kooxda.

 

 

Juve ayaa u sheegta ciyaartoydooda da’doodu ka yar  tahay 23-jir inay guryahooda ku Nagaadaan illaa iyo 8-da Maarso, waxana ay nasiib wanaag ku tilmaantay in qofna aanay ka soo muuqan astaamaha cudurka neef-mareenka ku dhaca Ciyaartoyda kale.

 

 

 

Warkan ayaa waxa uu soo baxayaa markii dhawaan ciyaaryahanka caanka ah ee Cristiano Ronaldo iyo laacibka kale aron Ramsey ay dhawaan tababar ay khibrad ugu kordhinayaan la qaateen ciyaaryahanada kooxda ee ay da’doodu ka yartahay 23 jirka ee ka ciyaara horyaalka heerka 3aad ee loo yaqaan Serie C-da.

 

 

Ronaldo iyo Ramey ayaa labadaba laga waayay xanuunka kadib markii la tijaabiyay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker