Trump oo hadda hanjabaad cusub u diray Iiraan
Iyada oo waqtiga kama dambaysta ah ee Donald Trump u qbatay Iiraan in ay ku furto Marinka Hormuz uu ku ekyahay subaxnimada Talaadada ah ee soo aaddan, ayaa waxaa uu u sheegay kanaalka13, isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan waqtiga kama dambaysta ah, “Waad arki doontaan waxa dhaca.”
Weriyaha ka howgala Kanaalka-13, ee Israa’iil ayaa ku qoray bartiisa X: “Markii la weydiiyay waqtiga kama dambaysta ah, wuxuu yiri: ‘Waad ogaan doontaan dhawaan. Waxay noqon doontaa mid aad u wanaagsan. Burburka buuxa ee Iiraan. Wax walba si fiican ayey u dhici doonaan.’”
Mr. Trump wuxuu sidoo kale ka hadlay dalalka xubnaha ka ah NATO: “Waxba ma sameynayaan, taasina waa mid aad u xun.”




