Cinwaanadii ay la haayeen dad Caan ah oo ay ku jiraan Obama iyo Bill Gates oo la jabsaday
San Francisco (OWN) – Shirkada Twitter ayaa saacadihii u dambeeyay wajaheysay jahwareer ba’an, kadib markii gebi ahaan la jabsaday cinwaano ay lahaayeen madax iyo dad maal-qabeeno caan ah.
Baraha ay boga Twitter ku lahaayeen Barack Obama, Joe Biden, Bill Gates iyo shirkaddo waaweyn oo caan ah ayaa la jabsaday, iyada oo badankooda lagu baahiyay fariimo isku mid ah.
Budhcadan geysatay falkaasi ayaa lagu waramayaa inay codsaneyso dhaqaale ay sheegen in loogu deeqi doono dad tabaaleysan iyo kuwa Covid-19, iyada oo aan si rasmi loo ogeyn ujeedkooda rasmiga ah.
Shirkadda Twitter oo arrintaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku howlan tahay sidii ay dib ugu soo celin laheyd cinwaanadaasi shaqsiyaadkii lahaa, iyada oo qaar kamid ah fariimihii lagu baahiyay la masaxay.