Shabeel Ku Noolaa Beerta Xayawaanka ee Magaalada Newyork Oo Laga Helay Coronavirus

Shabeel ku jiray xadiiqada ama Beerta  Bronx Zoo ee lagu Xanaaneeyo xayawaanka ee Magaalada Newyork   ee Dalka Maraykanka ayaa laga helay cudurka Coronavirus ee saameeyay caalamka guud ahaan .

 

Shabeelkan oo 4 jir, laguna magacaabo Naadiya iyo lix shabeel oo kale ayaa cudurka u soo dhacay iyagoo muujiyay calaamadaha cudurka coronavirus. waxaa la aaminsanahay in ay cudurka ka qaadeen mid ka mid ah shaqaalaha Xadiiqada xawayaanka oo aan isagu muujin wax calaamad cudur.

 

 

Wasaaradda Beeraha ee Maraykanka oo shaacisay natiijada baadhitaanka lagu sameeyay Shabeelkan ayaa sidoo kale sheegtay in libaax ku jiray xadiiqada uu u soo dhacay xanuunka Coronavirus.

 

 

Shabeelkan ayaa noqonaya xawaayaankii u horreeyay ee laga helo cudurka coronavirus, arrintan ayaa su’aal galinaysaa habka la isugu gudbiyo cudurka iyadoo haatan la ogaaday in bani’aadamo u gudbin karo xawayaanka.

 

Gobolka New York ayaa ah xudunta cudurka coronavirus ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda wuxuu cudurku ku dilay gobolkaasi in ka badan 3,500 qof, iyadoo guud ahaan dalka Maraykanka dhimashadu ay gaadhay 10 kun qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker