Ciidamada Midawga Yurub Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Liibiya Ka Bilaabaya Badda Mediterranean-ka

Wasiirada Arimaha Debada dalalka Yurub ayaa isku raacay Howlgal cusub oo ka bilaaban doona badda Mediterranean-ka si looga Hortago hubka sharci darrada ku galaya Liibiya.

Kulan ay ku yeesheen isniinta maanta ah magaalada caasimada ah ee Brussels ayaa ujeedkiisu ahaa xal u helida dagaalka sokeeye ee wali ka socda dalkan ku yaal waqooyiga Afrika.

 

Waxaynu dhamaanteen isla garanay in aan Abuurno howlgal ka dhan ah hubka sharci darrada ah ku gala Liibiya, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay wasiirka arimaha dibada talyaaniga ya, Luigi di Maio.

 

Howlgalkan  waxaa ka qeyb gali doona Doomaha Ciidanka badda ee dalalka midowga Yurub.

Arintan ayaa dhanka kale waxaa xaqiijiyay wasiirka arimaha dibada Jarmalka iyo dhiggiisa Austria.

 

Sanadkii 2015-kii ayaa xukuumada Austria ay diiday in ay ka qeyb noqoto howlgalka Sophia ee xeebaha Mediterranean-ka oo ujeedkiisu ahaa xakameynta muhaajiriinta gaaraya Yurub.

Dalka Liibiya oo ku yaal waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka tagnaa dagaal sokeeye oo ugu danbeyn laba dhinac u kala qeybiyay Dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker