Xukuumadda Somaliland oo markii u horeysay ka jawaabtay baaqyo kala duwan oo ka soo baxay qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaano, kuwaas oo dalbanaya in Safiirka Jabouti dalka laga Saaro

Hargeysa (OWN) –  Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markii u horeysay ka jawaabtay baaqyo kala duwan oo ka soo baxay qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaano Iyo waliba Madax xagga dhaqanka ah.

Hadaba Xukuumada Somaliland oo Gabi ahaanba Gaashaanka ku dhufay Baaqyada uga imanaya Masuuliyiinta kala duwan kaasoo ay ku dalbanayaan  in Wadanka laga Caydhiyo Safiirka  U fadhiya Jabuuti, kaasi oo uu Xisbiga Ucid u qabtay muddo dhan 24-saac gudahood in lagaga saaro Somaliland.

Hadaba  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray  “Faratoon”, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dacwad uu Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland lagu sheegay in uu ka gudbiyay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Wasiir Faaratoon ayaa waxa kale oo uu dalka Jabuuti ka difaacay eedeymo ay u soo jeediyeen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Ucid, kaasi oo ay ku sheegen in dowladda Jabuuti ay tahay cadowga koowaad ee leedahay Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland  ayaa intaas ku daray oo yidhi  “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”.

“Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”.

Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Jabuuti u aragta saaxiib dhow oo cilaaqaad fiicani kala dhaxeeyo, halka ay qaar kamid ah xisbiyada mucaaridka Somaliland u arkaan dowlad cadow ku ah Somaliland, isla markaan gacan saar dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker