Nin leh baa u Doobshey: UAE oo sheegtay in shaqaalaha u Emaati-ga ah aan shaqada laga eryi karin

Bangiyada Imaaraadka Carabta looma ogola inay eryaan shaqaalaha Emirati-ga ah ama yareeyaan mushaarkooda iyagoo ku salaynaya saamaynta taban ee uu sababay Coronavirus.

Bangiga dhexe ee Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray wareegto Khamiista ka mamnuucaysa bangiyada dalka in ay eryaan shaqaalaha Emirati-ga ah sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Wareegtadaas waxaa ka reeban shaqaalaha iskood isu casila ama buuxin waayey shuruudaha shaqo iyo kuwa contracts ka ay ku jireen dhamaaday.

Wareegtadani waxay timid kadib markii, Wadanku ku dhawaaqay 30-kii March inay bilaabeen u oggolaanshaha shirkadaha gaarka loo leeyahay inay beddelaan qandaraasyada ay la galaan shaqaalaha, maaddaama cudurka halista ah ee coronavirus uu ku saaameeyey ganacsiga.

Imaraadka Carabta ayaa shaaciyey 6,302 xaaladood oo la xaqiijiyey in uu asiibay xanuunka coronavirus iyo 37 dhimasho, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Waxaa sidaa ku baahiyey barteeda internetka telefishionka Al-arabiya.

 

Sawrac Media Corp.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker