Koox Budh-cadda dhanka Enternetka ah Oo Ay Iiraan Taageerto Oo Jabsatay Xogtii Jaamacadaha Reer Galbeedka

Koox Budh-cada internetka ah oo Taageero ka haysata Dowlada Iiraan ayaa bartilmaameedsaday jaamacadaha ku yaal Qaaradaha Yurub, Mareykanka iyo Australia bilihii la soo dhaafay.

Ma cadda in iskudayadaas lagu jabinayay Xogta kumbuyuutarrada reer galbeedka oo ay ugu sii daran yihiin Saddex jaamacadood oo Holland ku yaal in uu guulaystay iyo in kale.

 

 

Budhcadan ayaa la sheegay inay isku dayayeen inay xadaan casharo la diyaariyay iyo dood cilmiyeedyo ay leeyihiin jaamacadaha reer galbeedku si aqoontaas loogu isticmaal jamacadaha Iran, sida ay sheegtay hayad lagu Magacaabo NOS, oo tixraacaysa khabiir dhinaca Amniga internetka ah oo la yidhaa Coopers Gerwin Naber.

 

Xidhiihdka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Netherlands iyo Iiraan ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay markii dawlada Dutch-ka ay ku eedeeysay Tehran inay qayb ka ahayd tiraba laba dil-siyaasadeed oo ka dhacay Holland, dhacdadaas oo sababtay in cunaqabateyn cusub uu Midowga Yurub ku soo rogo Tehraan sanadkii hore.

Tehran ayaa beenisay inay ku lug lahayd toogashadaas lala beegsaday iiraanada ku dhaqan Netherlands

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker