Haweeney aad u dhaawata aflaanta dambiyada oo fulisay dambi ka argagixiyay Koonfurta Kuuriya

Jung Yoo-jung oo 23 jir ah, oo taageere u aheyd filimaanta dembiyada iyo sheekooyinka Tlelefeshinada, ayaa maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfureed ku xukuntay xabsi daa’in.

Jung ayaa xiriir la sameeysay macalinka luuqadda Ingiriiska iyada oo adeegsaneysa abka online-ka ah ka dibna waxaa ay ku dishay gurigiisa bishii May.

Xeer-ilaalintu waxay dalbatay ciqaab dil ah in lagu fuliyo Jung, laakiin maxkamaddu way diiday dalabkaas.

Ficilada Jung ayay si weyn uga naxeen dadka Kuuriyada Koonfureed, taasoo keentay cabsi baahsan iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda ah.

In kasta oo la sheegay in gabada ay qabtay cudurka dhimirka, maxkamaddu way ku gacan sayrtay doodaas sababo la xiriira sida habboon ee ay dilka u qorsheysay haweeneydan.

Dilka ay haweeneyda geystay ayaa la sheegay in ay dhiira gilintiisa ka heshay oo ay saameyn ku yeeshay aflaanta dembiyada iyo barnaamijyada TV-ga.

Kiisku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa saamaynta suurtagalka ah ee warbaahintu ku yeelan karto shakhsiyaadka waxaanay kor u qaadaysaa welwelka ku saabsan saamaynta nuxurka dembiyada dhabta ah. Xukunka dilka ayaa weli ah ciqaab sharci ah Kuuriyada Koonfureed, inkastoo aan la fulin tan iyo 1997-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker