Nin Shiinees ah oo lagu eedeeyay in uu garaacay shaqaale Kanyaan Ah oo la musaafurinaya

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa amar ku bixiyay in la tarxiilo afar qof oo u dhalatay Shiinaha kuwaas oo maxkamad la geeyay kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo muujinayo mid kamid ah dadkaas oo gaaracayo qof shaqaale u ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha, Fred Matiang’i wuxuu saxiixay warqaddii lagu soo xiri lahaa afarta qof ee u dhashay Shiinaha saacado uun kaddib markii maxkamadda ay booliska siisay muddo 15 maalmood ah oo dheeri ah si ay baaritaanno ugu sameyaan dadkaas.

illa hadda ma jirin go’aan maxkamadeed oo ku aadan eedeymaha loo heysta dadkaas u dhashay Shiinaha.

Afarta qof ee u dhalatay Shiinaha ayaa 9-kii bishan Febraayo la xiray kaddib markii booliska ay weerar ku qaadeen huteelka Wou ee ku yaal magaalada Nairobi.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada maxkamadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker