Shirkii Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta , Iyo Guddiga Wanaag Farista Oo Qodobo Laga Soo Saaray

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta  ayaa u soo xidhay shir muddo laba cisho ah u socday guddiga  Wanaag farista iyo xumaan reebista oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan.

 

Kulankan oo ahaa is xog waraysi iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dar dar galinta hawlaha ay guddigani bulshada u hayso ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Dr Cabdiraxmaan Axmed Raage oo kamid ah xubnaha guddiga wanaag Farista iyo xumaan reebista oo faahfaahiyey mihimada iyo u jeedada shirkan waxaanu sheegay inay tahay is xaal waraysi guud.

 

Sidoo kale,waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Guud  ee Wanaag farista Sh. Muuse Jaamac Cabdi oo sharaxay ujeedada kulankan.

Gabagabadiina waxa halkaasi ka hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta JSL Sh. Khaliil Cabdilaahi una mahadceliyey guddiga Wanaag farista iyo hoggaankoodaba waxaanu kula dardaarmay inay xoojiyaan shaqada ay bulshada u hayaan, waxaanu sheegay inay ka wasaarad ahaan ula shaqayn doonaan sidii ay horeba ula shaqayn jireen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker