Afhayeenka Ciidanka Kenya Oo Sheegay In Ay difaacayaan Axmed Madoobe.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in siyaasiga kaliya ee ay ka aaminsantahay Siyaasiyiinta Soomaalida ay difaaci doonto xilliga adag ee uu hadda ku jiro.

Wargeyska Hivisasa ee ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna, oo sheegaya in Ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin Kismaayo ama meel ka mid ah Jubaland.

Waxaa uu Paul Njuguna sheegay in Axmed Madoobe yahay siyaasiga runta ah ee xulufada la ah Dowladda Kenya.

Waxaa uu sheegay in dadaalka uu Axmed Madoobe ugu jiro soo laabashada doorashada dhaceysa 24ka August ay dowladda Kenya ku garab taagantahay.

Waxaa kale oo uu Paul Njuguna sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka bixin kana bixi doonin Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan AL-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa si guud u beenisay warar sheegayay in Ciidamadeeda ay ka baxayaan magaalada Kismaayo islamarkaana magaalada la wareegayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker