Kalluumayste Afar Maalmood & Afar Habeen Dabbaalanayey Oo Soo Bedbaaday Iyo Saaxiibkiisii La Socday Oo Weli Maqan
Mustafe Cabdi Cige oo ka mid ah laba Kalluumaysato reer Berbera ah oo dhawaan Laash kula xumaaday Bad-weynta, ayaa ka warramay xaaladdiisa Caafimaad, ka dib markii uu soo bedbaaday, balse wuxuu ka dayriyey Xaaladda Ninkii ay wada socdeen oo ay Badda ku kala lumen isla-markaana illaa hadda aan Raq iyo Ruux la haynin.
Mustafe Cabdi Cige oo ku jira Cisbitaalka Guud ee Berbera, ayaa sheegay in isaga iyo Saaxiibkiisa illaa hadda maqan ay badda ku jireen 3 Maalmood oo Laashka ka xumaaday la sabbaynayey iyo Afar Maalmood oo ay dul-saarnaayeen Loox iyo Jirikaamo ay isku xidheen, nasiib-wanaagse uu isagu badda ka soo baxay oo uu bedbaaday, basle aan illaa hadda la haynin ninkii la socday oo Xadhig iskugu xidhnaa uu kala furmay wax yar ka hor intii aanu isagu Badda ka soo bixin.
Mustafe oo Cisbitaalka jiifa, ayaa yidhi “Saddex Maalmood Laashka ayaa nala sabbaynayey, Afarna waanu dabbaalaneyney, waxaana ila socday Khaalid Cabdixakiin Ibraahim. Waxaanu isku xidhanay jirikaamo iyo loox yar oo aanu ku dul fadhiisanay, Afar Habeen iyo Afar Maalmood ayaanu badda ku jirnay, intaana maanu arag Cunto iyo biyo, Ninkii ila socday waanu kala furanay markaa ama wuu noolaan doonaa ama wuu dhiman doonaa.”
Mustafe wuxuu sheegay inuu ka soo baxay Xeebta la yidhaahdo Abeeliya “Anigu waxaan ka baxay meesha la yidhaahdo Abeeliya, waxaana ugu dhow Ceel-daraad, Bacaadkeeda ayaan seexday markii Qanjidhadu i barareen ee aan Socon kari waayey, Subaxdii Afartii habeennimo ayaan ka guday, waxaanan ku tamariyey Daasad biinis ah oo aan Xeebka ka helay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in muddadii isaga iyo Saaxiibkii Badda ku jireen ay Nafta ka quusteen oo aanay is lahayn waad bedbaadi, balse Amarka Alle uu isagu ku soo bedbaaday.
Ninka Kalluumaysta ah ee aan illaa hadda la haynin, kama hadal Maamulka Gobolka Saaxil, Ciidammada illaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasi oo haddii ay Xil iska saaraan haysta Laashash wanaagsan oo ay ku baadi-goobi karaan Muwaadinkaa aan illaa hadda Raq iyo ruux midna aan lagu haynin.