Saxaro Ku Yaal Boqortooyada Sacuudi Carbiya Oo Qariyey Baraf.

Dadka intiisa badan, ka fikirida saxaraha Sacuudi Carabiya waxay u badan tahay inay maskaxdoodu ku soo dhacdo meel carro iyo habaas miiran isla markaana biyo laga heli karin qoraxduna ay aad u kulushahay.

Hase yeeshee dhawaan, saxaro ku yaal Boqortooyada Sacuudi carbiya ayaa waxaa qariyay baraf.
Roob baraf iyo dabaylo wata oo dhawaan gobolka ka da’ay ayaa isbedel ku sameeyay muuqaallada gudaha iyo nawaaxigeeda Sucuudiga, taas oo xamaasad ka dhex abuurtay dadka deegaanka, dareenna ku abuuray baraha bulshada.

Horaantii bishaan, sawir qaade Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Osama Al-Habri ayaa sawiro hawada sare ka qaaday gobolka Badar, oo koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Xajka ee Madiina, iyadoo dhulkaas uu noqday mid uu caddaan ah oo uu baraf qariyay,dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay si ay ugu raaxaystaan ​​muuqaal aan caadi ahayn.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker