Waa tuma gabadha weeraryahanka ah ee ku biirtay naadi wada rag ah?

Mid ka mid ah hablaha ciyaartoyga kubadda cagta ee reer Japan ayaa qandaraas la saxeexatay naadi kubadda cagta ah oo ay kooxdooda ragga ah u safan doontaa.

Yuki Nagasato ayaa amaah ugu wareegtay kooxda Hayabusa Eleven oo walaalkeed na u safto.

Gabadhan weeraryahanka ah oo haatan 33 jir ah ayaa sagaal sano ka hor u horseedday xulka dumarka kubadda cagta ee dalkeeda inuu qaado Koobka Adduunka ee dumarka Waxaanay ku noqon doontaa kooxda ay haatan u safato ee Chicago Red Stars, marka tartanka horyaalka naadiyada hablaha ee Maraykanku bilaabmo sannadka soo socda.

Nagasato ayaa sheegtay in ujeedadeedu tahay in ay gacan ka geysato sidoo loo dhisi lahaa bulsho aan lahayn xuduud ku salaysan lab, dheddig iyo isir toona.

Markii ay Khamiistii qandaraaska saxeexday ka dib, ayay sheegtay in halganka Megan Rapinoe ugu jirto sinaantu yahay waxa ku dhiirri geliyey in ay ku talaabsato arintan ugubka ah.

Megan Rapinoe, waa gabadh ciyaartoy Maraykan ah, waxaanay sannadkan ku guulaysatay abaal marinta kubadda dahabka ah oo loogu maamuusay dedaalkii ay u gashay in dalka Maraykanku marti geliyo tartanka Koobka Adduunka ee hablaha.

Sidoo kale waa gabadh aad ugu ololaysa cadaaladda bulshada waxaanay hormuud u ahayd dedaalo lagu doonayey in mushqaayadda ciyaartoyga ragga iyo haweenkaba la simo oo ay sidaa yeelaan naadiyada kubadda cagta ee Maraykanku.

Nagasato ayaa ku nuuxnuuxsatay in go’aanka ay ugu safanayso naadiga Hayabuso Eleven ee raggu ahaa fikrad iyada ka timid, isla markaana ay ku rajo weyntahay in talaabadaasi fariin muhiima gubiso.

“Waxaan rumaysanahay in aan awoodi karo in aan muujiyo in haweenku ka mid noqon karaan naadiyaha kubadda cagta ee ragga”, ayay tidhi.

Nuki Nagasato oo sidoo kale ka mid ahayd xulkii hablaha Japan ee tartankii koobka aduunka ee 2015 iyo tartankii Olombigga ee 2012 kiiba galay kaalinta labaad, ayaa madashii ay qandaraaska ku saxeexaysay ka tidhi “run ahaantii lama oga waxa aan ku soo kordhin doono kooxdaa ragga ah ee aan ku biirayo”.

Nagasato waxay ka mid noqotay kooxda Chicago Red Stars sannadkii 2017, sannakii horena waxay u dhalisay sideed gool.

Laakiin waxay sheegtay in aanay haatan doonayn in ay ka mid noqoto xulka hablaha qaranka ee dalkeeda ee safan doona ciyaaraha Obombigga ee ka dhici lahaa sannadka dambe Tokyo hase yeeshee dib loo dhigay.

“Ma sawiran karo aniga oo ka mid ah xulka ka qayb gali doona tartankaa Obombigga” ayay tidhi.

 

Source:

https://www.cbssports.com/soccer/news/yuki-nagasato-joins-japanese-mens-team-on-loan-from-nwsls-chicago-red-stars/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker