Maxkamadaha Ceerigaabo Oo Mar kale Xukun Kuridey Weriyihii Telefishanka Eryal TV Ee Magaalada Ceerigaabo

 

 

Hargeysa (OWN) Maxkamadda Rafcaanka G/Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa Weriyaha Telefishanka ERYAL TV uga warrama magaalada Ceerigaabo C/raxmaan Maxamed Xiddig waxay manta ku riddey xukun isugu jira 6 bilood oo xabsi ah, S/land shilin 500,000/= ganaax ah iyo 300 doollar kharsh dacwadeed ah oo loo xukumay Maareeye-kuxigeenka Madbacadda Qaranka Somaliland oo ah ninka  isagu weriyahan dacweeyey.

 

Wana xukunkan manta oo uu kudhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka G/Sanaag Maxamed Axmed Cabdalle uu meesha kasaaray xukun hore 15/01/2020 Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo Maxamed Axmed Olol Weriyahan kuridey oo isugu jirey 21 bilood xadhig ah, S/land shilin 6,000.000/= ganaax ah iyo 300 doollar oo kharash dacwadeed ah, xukunkaas hore oo weriyahanina rafcaan ka qaatay, islamarkaasna Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA iyaguna ay qareen difaaca ay weriyahan uqabteen.

 

 

Oodweynenews.com/Hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker