Ku dhowaad 100 qof oo ku dhintay dagaalka Laascaanood

Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood.

“Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiye beeleed caan ah, ayaa Arbacadii sheegay in 150 qof la dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay dagaalka Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, bilihii ugu dambeeyay waxaa cirka isku shareeray xiisado siyaasadeed oo sababay rabshado ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 185,000 oo qof ay ku barakaceen rabshadahan.

Haweenka iyo carruurta ayaa lagu qiyaasay 89 boqolkiiba dadka barakacayaasha ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA).

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker