Wasaarado Ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya Oo Korontadii Laga Jaray+Maxay Tahay Sababtu.

Muqdisho-(OWN)-Sida uu  sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya xarumaha ilaa 7 Wasaarraddood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii ay ku shaqeynayeen

Wararku waxaa ay sheegayaan wasaarraddahan muddo dhowr bilood ah aysan bixin lacagihii lagu lahaa, taasoo keentay in markii danbe laga jarto korontadii ay ku shaqeynayeen, waxaana Wasaarradahan kala yihiin “ 1-Beeraha 2- Ganacsiga 3-Xanaanada xoolaha 4- Patroolka 5-Wasaaradada hawlaha guud iyo dibushiska 6- Wasaradda gaadiidka 7- Boostada iyo isgaarsiinta.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Wasaaradaha laga jartay Korontada heli waayeen lacagihii loogu tala galay adeegyada lagama maarmaanka u ah Wasaaradaha sida biyaha iyo Korontada oo qarash gaar wasaarad walba loo siin jiray inay ku dabarto arrimahaas.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka doodday Miisaaniyadda dowladda oo ay soo gudbisay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo  baxay Wasiirradda Wasaarradahan la sheegay in laga jartay Korontada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker