SIYAASADDA IYO DAMIIRKA

Sebankan siyaasaddu damiir xumaatay baahi weyn baan u qabnaa,  wax ka ogaanshaha siyaasadda iyo damiirka xidhiidhka ka dhexeeya. Sidaas darteed ayaan qormadan si kor-ka-xaadis ah ugu sharxi doonaa;  damiirka, siyaasadda iyo damiirku sida ay iskugu lammaan yihiin. Waxa aan is barbardhig ku samayn labada aragtiyood ee iska soo horjeeda ee mid qabto in damiirku siyaasadda sees u yahay, tan kale na qabto in aanay xidhiidh lahayn damiirka iyo siyaasaddu.  Siyaasad damiir aan lahayn iyo caadooyinkeeda xunxun ayaan gunaanadka wax ka hogo-tusaalayn, waxaanan ku soo af-meeri qormadan tusaalaha hoggaamiye siyaasaddiisu aanay damiir lahayn oo Soomaali ah.
  Ugu horreyn damiirku waa xeer quluubta Aadamaha ku qoran oo samaha iyo xumaha kala saara. Si kale haddaan u dhigno waa xeerka ijaarrada khaladka iyo saxa madaha u ah. Damiirku waa dhawrsoonaanta, sarriigashada, wax isku falka iyo xishoodka, nolosha Aadamuhuna haddii ay intaas weydo wax ba ma dhaanto ta xayawaanka. Sida oo kale,  damiirku waa dareenka ku fara naxariista iyo sama-falka, kuuna diida naxariis-darrada iyo gabbood-falka ka dhanka ah idil ahaan ba noolaha. Waana hal-beegga ugu quman ee bini-aadnimada qofka lagu cabbiro. Hadda farqi-weyn baa u dhexeeya qofnida iyo bini-aadminimada. Sidaad darteed, ayaa loo yidhaa; qofku haddii uu damiir beelo wuxuu hoos uga dhacaa darajadii bini-aadminimo.
Haddii Aadamuhu damiir beelo wuxuu waayay dhadhankii iyo macaankii nolosha naftiisa iyo tu kale midkoodna naxariis iyo jacayltoona uma hayo. Ugu dambaynna cidhiidhiga, xasilooni-darrada iyo diiqadda nolosha inta uu u adkaysan kari waayo ayuu nafta gacantiisa iskaga qaadaa, waana suurto-gal in uu boqollaal qof oo kale sii galaafto, tusaalena waxa innuugu filan; Askarta Maraykan ee Ciraaq loo diray ee hawl-galladoodii dagaal shacabka aan hubaysnayn ku laayay, markay dalkoodii dib ugu laabtaan in qaarskood qori buuxa ku dhammeeyaan dad shacab ah oo wax iibsanaya, waxbarana ama cibaadaysanaya.
Damiirku wuxuu jiheeyaa ficillada dadka, siyaasadduna doorkaas jahaynta ayay nolosha Aadamaha ku leedahay. Sidaas darteed, ayuu hirdanka damiirka iyo siyaasaddu salka ugu hayaa loolanka jahaynta Aadamaha. Si kasta ba ha ahaatee, Doodda damiirka iyo siyaasadda haddii geesta dhigaallada aqooneed laga istaago laba illood uun bay kala raacdaa;
1.  Arisotelian View; Oo qabay aragtida odhanaysa ficilka xun ee Aadamuhu sameeyo waxa ka dhasha cawaaqib xun sidaas darteed waa in uu ka digtoonaadaa xuma-falka si cidhibtiisa dambe u hagaagto. Aragtidiisan wuxuu ku qoray Politics book 1. Geesta abtiriinta afkaartana waxay gashaa nooca afka qalaad lagu yidhaa; “ Teleological Thinking.”
2. Machavelian View; Oo isna qabay aragtida odhanaysa siyaasadda iyo damiirka lama mataanayn karo,, siyaasadduna waa wax ka madax bannaan damiir. Sideed darteed ayuu hoggaamiyaha siyaasiga ah kula talinaya in haddii loo baahdo uu qiyaamo samayn karo. Waxa aanu ku qoray buuggiisa la yidhaa; The Prince oo uu qoray 1513.  Malcaamadda Makafeeli ee Siyaasadda waxa ka soo aflaxay siyaasiyiin ma jixinjixayaal ah oo aa ka magaca dhabi karno Hitlerkii Jarmal. Hal-ku-dheggiisa caanka baxayna waa; politics has no relation to morals. Hab fakerkiisuna waa; Deontological thinking oo qabta gudashada waajibka in ahmiyadda la saaro si u jeedka loo gaadho mihiim na maaha dariiqa la marayaa mid xun iyo wanaagsan ka uu noqonayo.
Dadka aragtidan la dhacsani waxa ay yidhaahdaan; Haddii hadafka ugu weyn ee siyaasadda iyo hoggaamintu yahay hanashada Kursiga dariiqa aad u marayso si kasta oo uu u xumaado ama damiirka uga hor yimaaddo macne kuu samayn mayso yoolkaaguna waa hanashada kursiga.
Hadda ba Gees kasta oo aad ka eegto ba noloshu damiir kama maaranto haddii ay waydana xannuunka ka dhashaa uumiyaha uu wada taabtaa. Tusaalaha ugu dhow; Cilmigu haddii uu damiir beelo, aqoontu waxay soo saartaa dhakhtar DAD-QAL AH oo badbaadinta nafta Aadamaha ka horreysiiya shilinka. Sidaas oo kale ayay dhammaan laamaha aqoontu u soo saaraan qof ma jixinjixe ah oo hadafkiisa ugu weyn ee noloshu yahay shhilin oo dad iyo xoolotoona aan u naxariisan. .
Soomaalida haddaan nahay siyaasad damiir beeshay tusaaleyaasheedu meel dheer innaga ma jiraan oo nolosheenna maalin leh ayaa hogo-tusaaleyaal badan laga helayaa.
Xamar; Siyaasi aan damiir lahayn ayaa boqollaal qof ku qarxiya huteel si uu dan uu leeyahay  oo siyaasi ah ugu sii maro.
Hargeysa; lacagtii biyaha luugu gelin lahaa Malyuun iyo badh qof oo harraaddan ayay shakhsiyaad jeebkooda gaarka ah ku shubteen. Kuwa kalena cashuurta saboolka laga guro ayay ku tumasho doontaan.
Ugu dambayn tusaalaha ugu wanaagsan hoggaamiye bilaa damiir ah oo dadka wakhtigan nool ka wada garaabi karaan waxa aan ku tilmaami lahaa; Cabdi Maxamuud Cumer” Ina-iilay” oo waad iga faker duwan tahay darteed dadka dab ugu dhex ridi jiray.
Gunaanadkii fahanka akhriskayga iyo aragtidaydu ba waxay ku biyo-shubanayaan in siyaasadda iyo damiirku kalluun iyo biyo isku yihiin sina ba aanay u kala maarmin.
Akhris dheeraad ah ciddii danaynaysa buugtan hoose ha akhrido.
• The Ethical implication of separating morality from politics; Taking a cue from machiavelian political ideas and the Nigerian Political Experience.
• The Prince. Nicolo Machiavelli.
• Leviathan. Thomas Hobbes.
• Politics book 1. Aristotle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker