Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka oo bayaan wadajir ah soo saaray kaddib kulankii hoggaamiyeyaashooda

Hadda waxaan idiin soo gudbineynaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku jiray bayaanka wadajirka ah ee ku saabsan nabadda, kaas oo Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanku soo saareen kaddib kulankoodii saddex geesoodka ahaa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xi Jinping, Vladimir Putin iyo Donald Trump ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida istaraatiijiyadeed iyo amniga caalamka.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen sugidda amniga tamarta, waxayna qorsheynayaan inay kordhiyaan wax-soo-saarka iyo sahayda shidaalka la sifeeyay.

Bayaanka ayaa sidoo kale taabtay arrinta xasaanadda ay leeyihiin mas’uuliyiinta dowladuhu. Waxa uu sheegay in saddexda hoggaamiye ay isku raaceen in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) iyo hay’adaha kale ee la midka ah aysan si aan habboonayn u adeegsan awoodahooda sharci.

Dhanka hubka nukliyeerka, saddexda hoggaamiye ayaa isku raacay in “aan lagu guuleysan karin dagaal nukliyeer ah, isla markaana aan marna la qaadin”, waxayna sheegeen in wadahadalladu socdaan si looga hortago faafitaanka hubka nukliyeerka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker