Go’aanka kama dambaysta ah ee Xubinnimada EAC ee Soomaaliya oo la filayo in maanta la ansixiyo

Dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujinaysa in ku biirista ururka bulshada Bariga Afrika si rasmi ah loo ansixiyo inta lagu guda jiro shir madaxeedka 23-aad ee hoggaamiyeyaasha EAC, kaas oo Jimcaha maanta ah ka furmaya magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Haddii la ansixiyo, Soomaaliya waxay si rasmi ah u noqon doontaa xubinta 8-aad ee ururka EAC.

Soomaaliya ayaa billowday hannaanka ku biirista bulshada EAC sannadkii 2012-kii, taasoo ka dhigtay sannadkii 11-aad tan iyo billowgii wadahadallada.

Waxay noqon doontaa tallaabadii ugu dambeysay ee lagu go’aamin lahaa masiirka Soomaaliya ee ku biirista ururka, ka dib wada-xaajoodyo uu garwadeen ka ahaa, Cabdisalaan Cumar Hadliye, Ergeyga Soomaaliya ay u magacowday wada xaajoodka EAC.

Bishii Agoosto ee sanadkan, waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay wada-xaajood socday muddo sagaal maalmood ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo khubaro ka kala socotay toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta EAC, Golaha sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika.

Xoghayaha Guud ee EAC Mudane (Dr.) Peter Mathuki ayaa sheegay in ku biirista bulshada ay Soomaaliya u suurtagelineyso in ay ka faa’ideysato mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee EAC, sida waddooyinka, jidadka tareenada, iyo isku xirka tamarta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker