Wajiyo badan oo ay yeelan karto eedaynta wasiir Qambi ee ka dhanka ah shirkadda Hass

Shirkadda HASS maaha shirkad ay leeyihiin Soomaali oo keliya, waa shirkad ay saami ku leeyihiin dawlado kala duwani, waa shirkad ay saami ku leeyihiin muwaaniin u dhalatay Somaliland oo xaq u leh inay dalkooda maalgashadaan.

Haddaba eedaynta Wasiir Qambi ee magac dilka ah ee ka dhanka ah shirkadda Hass waxay yeelanaysaa wejiyo badan.

1. Waxay cabsi gelinaysaa shirkadihii doonayey inay Somaliland Maalgashadaan, waayo markaad dalka hantidaada gashato ayaa Wasiir si fudud isaga kaa odhanayaa Maleeshiyo ayaad hubaysaa si uu magacdil kuugu sameeyo, taasi waxay dunida tusay in Somaliland ay tahay dal aan sharciga u bislayn ee siyaasigu ka awood badan yahay.

2. Waxay muujinay inaan loo danaynayn shaqo abuurka dalka oo dhalinyaro iyo waayeelka ka faaiidaan shirkadaha maalgashiga sameeya, hase ahaatee la doorbidayo doonista kooban ee siyaasiga.

Dalka waxaa maamula Madaxweyne aan isleeyahay waa u xogogaal duruufahaas oo marar kala duwanna bulshada la wadaaga sida uu ugu heellan yahay helista maalgashiga iyo inuu dalka gaadhsiiyo himilo durugsan.

Malaha maanta oo kale ayay madaxweynaha hortaallaa inuu tallaabo qaado, oo haddii eedaynta Wasiirkiisu sax noqotona shirkadda la xisaabtamaa, haddii eedayntaasi ay caddaan waydona Wasiirka uu la xisaabtamaa, maaha keliya xil ka qaadis ee masuuliyadda uu ku ciyaarayna waa inay ciqaab yeelataa.

 

Ismaaciil Maxamed Farjar

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker