Dowladda Uk oo loo hanjabay iyo arrinta la isku haysto

Dowladda Mauritius ayaa ku hanjabtay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Britain haddii aan la dhammaystirin heshiiska la xiriira jasiiradaha Chagos ugu dambayn dhammaadka bisha soo socota.

Heshiiska ayaa dhigaya in madaxbannaanida jasiiradahaasi, oo uu ku yaallo saldhig milatari oo Maraykanku leeyahay, laga wareejiyo Britain loona gacan geliyo Mauritius, iyadoo Britain ay dib uga kireysanayso.

Dowladda Britain ayaa bishii Sebtembar dib u eegis ku samaysay qorshaha, kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu ku tilmaamay heshiiska mid aad u xun.

Ra’iisul wasaaraha Mauritius, Navin Ramgoolam, ayaa sheegay in inkasta oo wada-hadallada ku saabsan madaxbannaanida jasiiraduhu ay socdaan, aanu oggolaan doonin in arrintan muddo dheer la sii jiitamo.

Britain ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker