Marxuum Pro Cali Khaliif oo Maanta oo Lagu Aasayo Muqdisho

Meydka Allaha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeydh oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo laguna aaso magaalada Muqdisho.

 

 

Guddiga qaban-qaabada Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in salaada janaasada lagu tukan doono meydka Galeydh Garoonka diyaaraaha Aadan Cadde kadibna la aasi doono.

 

 

Salaada janaasada iyo aaska meydka Cali Khaliif Galeydh ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker