Maraykanka Oo Shaaciyey Tirada Askarta Kaga Dhimatay Weerarkii Lamuu

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday Xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo  Mareykan ah.

 

Dagaalamayaasha  Ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

 

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashan dhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii saakay.

”Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday” sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika.

 

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: ” Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii argagixisada.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker