Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo Soo Qabtay 650-xabbo oo Khamriya

Taliyaha qaybta barriga gobolka Maroodijeex ee ciidamada Booliska gaashaanle dhexe Cabdi Cali Xayd ayaa ka hadlay 650 xabo oo Khamriya oo ay ciidamada booliska ee gobolka Marroodijeex ay gacanta ku soo dhigeen.

Sidoo kale taliye Cabdi Cali waxaa uu sheegay in ay Maandooriyaha Xashiishaddu aad ugu soo badatay gudaha caasimada dalka ee magaalada Hargeysa, taasi oo uu tilmaamay in ay ku baabi’isay dhalinyaro badan.

Dhinaca kale waxaa uu xusay in taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland sarreeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi uu ciidamada booliska ku boorriyey inay la dagaalamaan maandooriyayaasha.

Taliyaha qaybta barriga ee gobolka Maroodijeex gaashaanle dhexe Cabdi Cali Xayd isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ciidamadda booliska Somaliland, gaar ahaan ciidanka gobolka Maroodijeex 26-kartoon oo midkiiba uu ku jiraan 26-xabo oo khamri ah oo marka leysu geeyana noqonaya 650-litir oo Khamriya, iyo xabad Biira oo loo yaqaano ‘Herer Biir’ ayay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen, waxaaney ku soo qabteen gaadhi Land Crusiera oo VX Lanbarkiisuna yahay shan iyo sodon kun saddex boqol iyo shan iyo sodon (35335).

Taliyaha guud ee ciidanka booliska sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa ciidanka ku booriyey inay la dagaalamaan Maandooriyayaasha noocyadooda kala duwan”

Taliyaha qaybta barriga ee gobolka Maroodijeex gaashaanle dhexe Cabdi Cali Xayd isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi raaciyay kiisaskii kala duwan ee ay qabteen sanadkan sii galbanaya waxaanu yidhi “Waxa magaaladda Hargeysa aad ugu soo badanayey muddooyinkii danbe Maandooriyaha Xashiishadda oo da’yarteeni aad iyo aad u baabi’iyey, mudooyinkii ugu danbeeyay hawlgaladii aanu sameynay waxaa aanu ku soo qabanay 29 kiis oo maandooriyayaala Khamriga iyo Xashiishadda, waxaa ay 12-kiis ahaayeen kuwa danbiilayaasha ah inta kalena waxaa ay ahaayeen kuwa wax isticmaalay”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker