Daawo: Madaxtooyada Somaliland oo Tacsi-yadaysay Duqii Hore ee Caasimada Hargaysa ,Cawl Cilmi Cabdalle oo Geeriyooday
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa
uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka,
TACSI MADAXWEYNE: 28/12/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Aqoonyahanka dalka, Qoyska, Ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga
Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ku Geeriyooday maanta oo ay Taariikhdu tahay 28/12/2019 Caasimada Somaliland eeHargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray door muhiima ku lahaa,
qayb-weyna ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, markii danbena noqday maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu
kaga tegay taariikh iyo astaamo ma guuraana muddadii uu xilka hayey.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada,qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Warkaasi oo dhamaystiran waxaad ka Daawataa Halkan Hoose




