Dawlada Tanzania Oo Mamnuucday Salaanta Gacanta , Ee Ciyaaraartoydu Isku Salaamaan wakhtiga Garoonka ay Galayaan
Xidhiidhka Xidhiidhka Kubada Cagta ee Tanzania (TFF) ayaa Mamnuucay in Ciyaartoygu ay gacmaha iska salamaan marka ay ciyaartu bilaabmayso.
Talaabadan uu Qaatay xidhiidhka Kubada Cagta ee Tansaaniya ayaa timid kadib markii ay wasaarada Caafimaadka dalkaasi ku talisay in la joojiyo salaanta gacanta, sababo la xidhiidha cabsida laga qabo Xanuunka Coronavirus, loogana hortago in uu faafo.
Waxa ay ahayd Maalintii Salaasada ahayd ee la soo dhaafay markii uu Baraha bulshada ee Shacbi waynaha Tanzania qabsaday Sawir laga soo qaaday madaxwayne Magafuli iyo Hogaamiyaha Mucaaridka dalkaas oo Lugaha isku Salaamaya.
Si kastaba ha Ahaatee Salaantan laga Mamnuucay ciyaaraha ayaa ah Dhaqan soo jireen ah oo kubada Cagta ku lamaanaa, balse cabsida Xanuunka Coronavirus oo ka dhigay mid aan meeshaba ku jirin.






