Rw Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Somaliland Oo Muqdisho Jooga
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid Taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.
Wafdiga oo shalay Muqdisho yimid ayaa waxaa ay keeneen lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen,taas oo laga soo Ururiyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada Somaliland.
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka mahad celiyeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada muqdisho, iyaga oo sheegay inay mar waba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaadhsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen.







