Maayarka Hargeysa Oo shaqaale weynaha Dawlada Hoose Siiyey lacag Xaqul Ciid ah .

Maayarka Caasimada Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge ayaa markii ugu horeysay 25 sanadood kadib, shaqaale weynaha Dawlada Hoose ee Hargeysa lacag Xaqul Ciid ah siiyey.
Lacagtan oo dhiirgalin u ah shaqalaaha ayaa sidoo waxa shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargeysa ay lacagtii mushaharka ee bishan April qaateen 25kii bishan, taasi oo lacagtan Xaqul Ciidka ahina ay tahay lacag dheeri ah oo Maayarku ugu tallo-galay in ay shaqaaluhu ku ciidaan.

Shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargeysa, ayaa aad usoo dhaweeyey lacagtan Xaqul Ciidka ah oo ay sida ay sheegeen shaqaalaha ruugcadaaga ah ee DHH, ay ugu danbaysay Maayar bixiya, Maayar Cabdiraxmaan Cadami, taasi oo cadad siman la siiyey dhamaan shaqaalaha DHH, iyadoo sidoo kale shaqaaluhu ay baryihii hore iska daa lacag Xaqul Ciid ah oo lasiiyo’e ay mushaharkoodu ka maqnaan jiray dhawr bilood halka ay imika qaataan 25ka bisha, sida ay bishanba mushaharkoodii u qaateen 25kii April 2022.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker