Ha,adda Human Rights oo ka Tigtay Sharci Horyaalla Baarlamaanka Ethiopia

Sharci cusub oo ay ka fakareyso Itoobiya ayaa lagu qeexay mid halis ku ah xoriyadda hadalka iyo internet-ka.

 

 

Xeerkan lagu magacaabo โ€œKa hor-tagga hadal naceybka iyo been-abuurkaโ€ ayaa hadda maraya heer qabyo ah, balse haddii la Anisixyo wuxuu dambi ka dhigi doonaa hadallada online-ka,

 

idaacadaha iyo qoraallada ee sare u qaadaya naceybka, sida ay sheegtay Hayโ€™adda Huquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch.

 

Sharcigan ayaa diidaya wax kasta oo hurinaya naceyb, takoor ama weerar ka dhan ah qof, ama koox lagu beegsado Sababo la Xidhiidha jinsigooda, diintooda, qowmiyaddooda iyo naafo-nimadooda.

 

Wuxuu sidoo kale mamnuucayaa wararka been abuurka ah ama marin-habaabinta, sida lagu sheegay bayaanka Human Rights Watch.

 

Sharcigan waxaa aAnsixiyey golaha wasiirada raโ€™iisul wasaare Abiy Ahmed, balse wuxuu weli u baahan yahay in baarlamanku uu Ansixiyo.

 

Dadka sharcigan dhaliilaya ayaa rumeysan in loo adeegsan karo in lagu aamusiiyo codadka wax dhaliila ama siyaasiyiinta mucaaradka.

 

Waxa ay sheegeen inuu la mid yahay sharcigii la ansixiyey 2009 ee ka hor-tagga Argagixisada, kaasi oo loo adeegsaday in lagu xabiso dibad-baxayaasha iyo suxufiyiinta.

 

Si kastaba Ha AHaatee, Taageerayaasha sharcigan ayaa ku doodaya inuu lagama maarmaan u yahay si dadka Looga jiyo.ย  inay naceyb ka dhex abuuraan qowmiyadaha kala duwan ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker