Koonfurta Sudan Oo Lagu Heshiiyay In Loo Dhiso Dawlad Wadaag Ah.

Madaxwaynaha Koonfirta Sudan President Salva Kiir ayaa Aqbalay Heshiis dhigayay in uu Dawlad wadaag ah la soo dhiso Ninka ay mudada dheer Siyaasada isku hayeen ee Riek Machar, sida laga soo xigtay Madaxwaynaha Dalkaasi.

 

Samayntan dawlada wadaaga ah ayaa waxa ay qayb ka tahay Heshiiskii 2018 ee lagu soo Afjaray colaadii 6 jirsatay ee Koonfurta Sudan, waxana ay ahayd inuu heshiiskan dhaqan galo bishii November, balse labadan hogaamiye ee is haya ayaa go’aansaday in mudo 100 maalmood ah oo dheeraad ah la siiyo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Kiir iyo Mechar waxa ay kulamo xidhiidh ah ku qabsadeen caasimada Juba, waxana uu Madaxwayne Kiir yidhi “Waxa aan isla garawsanay in marka ay dhamaato boqolkaas maalomood ee aan ku heshiinay kadib aan soo dhisno dawlad wadaag ah.

Macada nooca iyo qaabka ay noqonayso dawlada wadaaga ah ee la soo dhisayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker