Madaxwaynaha Itoobiya Oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoontay Safiirka Cusub Ee Somaliya.+ (Sawiro)
Madaxweynaha Dalka Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde ayaa Waraaqaha Aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoontay Danjiraha cusub Somaliya ee dalkaasi, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey).
Madaxweynaha Itoobiya ayaa waxay Danjiraha Somaliya ku qaabishay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Addi Ababa, halkaasoo ay kaga guddoontay waraaqaha Safiirnimo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii tagey Magaalada Addis Ababa ayaa Wafdigiisii Uu kA mid ahaa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland.
Camey ayaa la shaqeeyay Dowladda Somaliya, Xilligii kala guurka ee Maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyadoona ay tallaabadaasi ku kala fogaadeen Madaxweyne Gaas.
Taasi ayaa waxaa loo maleynaya inay sahashay qorshaha Villa Somalia ugu magacawday Camey inuu noqdo Danjiraha Somaliya u fadhin doono Dalka Itoobiya.





