Xanuunka cagaarshowga iyo noocyadiisa.

Cagaarshow macna ahaan waa barar (inflamation) ku yimaada beerka.  Xaalado iyo cuduro kala duwan ayaa keeni kara cagaarshowga beerka, xaaladahaa waxaa ka mid ah isticmaalka daroogada, alkohoka,kemikalka iyo cuduro kale. Fayrusyada keena cudurkan waxaa ka mid ah Cytomegalovirus iyo Mononucleosis.
Beerku waa mid ka mid ah xubnaha jirka ee ay waxyeeleeyaan fayrusyadan.

Dhakhaatiirta waxay u isticmaalaan magaca cagaarshowga xanuunkan ku dhaca beerka. Waxaa jira dhowr nooc oo cagaarshow ah waxaana loogu magac daraa xarfaha A,B,C. waxaa la sheega in ay jiraan noocyo kale sida D,E,F iyo G lamase xaqiijin jiritaankooda, waxaase laga yaabaa in marka ay sii kororto aqoonta beni’aadanka ee ku aadan cagaarshowga la sii faahfaahiyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaaan halkan ku faah faahineynaa sadexdan nooc ee la yaqaano, oo loo soo gaabiyo (HAV, HBV, HCV)  taasoo macnaheedu yahay hepatitis A virus (HAV) , B iyo C.
Fayraska cagaarshowga wuxuu ku tarmaa (multiplies) unugyada beerka. Tani waxay sababtaa hadii aan la daaweyn in ugu dambeyn uu beerku awoodi waayo shaqada uu qabto oo muhiim u ah nolosha qofka.  Halkan waxaan kuugu soo gudbunayaa qeybo ka mid ah shaqada beerka oo intan ka badan si aan u ogaano muhiimadiisa.

Beerku wuxuu ka qeyb qaataa nadiifinta dhiiga gaar ahaan wuxuu ka nadiifiyaa kemikaliska jirka dibada uga yimaada sida qeybo kamid ah daawooyinka oo waxyeelo leh, alkoholka oo ay soomaalidu nasiib wanaag aysan badankood isticmaalin iyo kuwo kale ee uu jirku sameeyo oo waxyeelo leh sida Ammonia iyo Bilirubin.
Beerku wuxuu soo saaraa waxyaabo badan oo muhiim u ah jirka, sida maadooyinka keena in uu dhiiga xinjir sameeyo (clotting factors)  marka uu dhaawac ku soo gaaro si looga hortago dhiig bax, sidoo kale wuxuu soo saaraa Proteins muhiim u ah dhismaha jirka iyo shaqadiisa.

Wuxuu keydiyaa sonkorta dheeriga ah (Glycogen) si marka aad u baahato loo isticmaalo, fatiska ama cadiinta ayuu keydiyaa si aad sidoo kale u isticmaashid marka aad u baahato Energy. Wuxuu kaloo keydiyaa vitamins ka si loogu isticmaalo qeybaha kale ee jirka ee u baahan. Wuxuu beerku sameeyaa Kolestrolka uu jirka u baahan yahay waayo ma jiro unug jirkeena ah oo aan laheyn Cholesterol waa dhamaan unugyada jirkeena ee ah trillionka.

Dahaarka unugyada jirkaaga (Membrane) waxaa ay ka sameysan tahay inta badan cholesterol, taasoo koontroosha waxa unuga ku dhex jira iyo waxa dibeda ka soo gala, dahaarkaas la’aantiis unuga wuu dhimanayaa oo nolol ma jireyso.
Marka uu Hepetiska ku dhaco jirkeena waxaa dhici karta in uu carqaladeeyo shaqooyinka beerka taasoo lagu garto calaamadaha cudurkan.

Qeexida nooyada Hepatitiska.

Hepatitis A waa nooc sida badan taga (acute) si dhaqsa ah oo aan ku raagin (chronic) beerka, mana keeno dhaawac joogto ah oo beerka gaara si uu u shaqeyn waayo. Waxaa ka soo horjeeda Hepatitiska B (HBV) iyo Hepatitiska C (HCV) kuwaas ay ay dhici karto in dadka qaar ay la noolaadaan noloshooda (choronic).
Waxaase jirta nasiib wanaag in daawooyinka sida talaalka iyo iska ilaalinta waxyaabaha keena ay suuragal ka dhigeen in dad badan uusan ku noqon mid raaga, weyna ka bogsadaan si dhaqso ah.

Cagaarshowga A (HAC) waxaa loo yaqaan “cagaarshowga faafa” maxaa yeelay wuxuu si fudud ugu faafi karaa qof ka qof, sida infekshannada kale ee fayraska. Waxaana laga qaadi karaa cunada ama biyaha wasaqda leh.
Marka cunada si wannagsan loo kariyo iyo biyaha oo naadaafadooda la ilaaliyo waxaa lagu yareyn karaa ama looga hortagi karaa faafifida cudurkan.
Dhareerka qofka qaba cagaarshowga nooca A ama wasasaqda gacanihiisa hadii uusan si fiican u dhaqin marka uu musqusha ka soo baxo waa uu ku faafaa cudurkan.
Marka la soco akhristoow oo ku boori dadka aad la nooshahay in ay nadaafada ilaaliyaan taasoo ayna fareyso diinteena islaamka ee suuban.

Hapatiska nooca B (HBV) waxaa loo maleynayay markii hore in sida kaliya ee lagu kala qaado ama uu ku faafo in  ay tahay dhiig ama xaydh (qaybta dareeraha ee dhiiga) oo uu ku jiro fayraska oo aad qaadato. Waxaa hadda la ogyahay in nooca B uu ku faafi karo taabasho galmo, irbadaha la wadaago ee mukhaadaraadka daroogada, irbado shil ah oo leh fayraska wasakhaysan. dhiig qaba oo lagugu shubo, (hemodialysis) iyo hooyooyinka cudurka qaba oo u gudbiya ubadkooda dhasha.

Infekshanku wuxuu sidoo kale ku faafin karaa xoqidda jirka (tattooing), duleelinta jirka (body piercing) waa marka aad isticmaasho irbad uu isticmaalay qof cudurka qaba, wadaagista sakiinta lagu xiirto ama cadeyga.  Boqolkii qof ee uu ku dhaco cudurkan hepatitis B (HBV) waxaa ka kabsada 90 ilaa 95 marka 5 ilaa 10 qofood boqolkii qof ayuu ku raagaa cudurka. Dadka la noolaada inta ay nool yihiin xanuunkan waxay u baahan yihiin daaweyn joogta ah si loo koontroolo kororka fayraska oo keeni kara waxyeelo, markaa waxaa la gudboon qofka xanuunkan qaba in uu sameeyo cheking si uu u ogaado xaaladiisa inta aysan noqon mid khatar ah oo ay adag tahay in wax laga qabto.

Bukaanka qaba infakshanka hepatitis B (HBV) ee daba-dheeraada sidoo kale waxaa ay qaarkood halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka cirrhosis  iyo kansarka beerka.

Cagaarshowga nooca C (HCV) waxaa horey loogu yeeri jiray “non-A, non-B hepatitis,” maxaa yeelay fayraska cudurka sababa lama aqoonsan, laakiin waxaa la ogaaday inuusan aheyn nooca (A) ama B midna. Hepatitiska C badiyaa waxaa uu ku faafiyaa cirbadaha la wadaago sida kuwa daroogada, dhiig ku shubista, hemodialysis, sakiin uu ku xiirtay qof qaba xanuunka, cadeyga IWM.

Qiyaastii 75 ilaa 90% cagaarshowga la xiriira dhiiga waxaa sababa cagaarshowga nooca C (HCV). Faafinta fayraska iyadoo la adeegsado xiriir galmo ayaa la soo sheegay, laakiin waxaa loo arkaa inay naadir tahay.
Qiyaastii 75% ilaa 85% bukaannada qaba infakshanka nooca C (HCV) way la noolaadaan xanuunka inta ay nool yihiin. Bukaanka qaba infakshanka (HCV) ee dabadheeraada way sii wadi karaan qaadisiinta dadka kale. Bukaanka qaba infakshanka nooca cagaarshowga C ee daba-dheeraada waxay halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka cirrhosiska beerka, iyo kansarka beerka.

Fg. waxaan isku dayi doonaa qeyb kale in aan uga hadlo yaa qatar ugu jira in uu qaado cudurkan iyo sidee loo baaraa oo loo daaweeyaa.

 

Waad mahadsan tihiin

Waxaa qoray
Abdirahmaan Ahmed mohamed (xoogsade)
Pharmacy and science.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker