Koonfur Afrika oo dacwad ka gudbisay Israa’iil

Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwad ku saabsan in Israa’iil ay “xasuuq” ka waddo Qasa.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay dacwadda ku saabsan ku xadgudubka waajibaadka Israa’iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa’iil ayaa si adag u diidday eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

“Israa’iil waxay yaqyaqsi ah u diidday been-abuurka dhiigga la daadshay ee ay faafisay Koonfur Afrika,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka sharciga. Waxay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha waxayna samaysaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

Kaddib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanka ay waajib ku tahay “ka hor tagga in xasuuq uu dhaco”.

“Koonfurta Afrika waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah kasoo gaadhay weerarrada hadda ay Israa’iil ku hayso Marinka Qasa taas oo ay ugu wacan tahay adeegsiga aan loo meel dayin ee xoogga iyo raridda dadka,” ayaa lagu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker