Ururka Midowga Yurub ayaa maanta munaasabad Baroor-diiq ah magaalada Muqdisho ugu sameeyey, marxuumad Almaas Elman
Muqdisho (OWN) – Ururka Midowga Yurub ayaa maanta munaasabad baroor-diiq ah magaalada Muqdisho ugu sameeyey, marxuumad Almaas Elman oo dhowaan toogasho lama filaan aheyd loogu geystay gudaha xarunta Xalane ee AMISOM.
Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Ururka Midowga Yurub , Waxaana ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) iyo wakiilada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Sidoo kale ayaa waxaa madasha lagu soo bandhigay Sawirro Farshaxan ah oo ay sameysay gabadha







