Maxkamadda sare ee Israa’iil oo amar ku bixisay in la dumiyo tuula ay leeyihiin Falastiyiniin

Maxkamadda sare ee Israa’iil ayaa xukuntay in la dumiyo tuulo ay leeyihiin Falastiiniyiinta Badawiyiinta ah oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, waxaanay dhegaha ka furaysatay olole dawladaha reer Yurub ku doonayeen in la badbaadiyo tuuladaasi.

Maxkamadda Israa’iil ayaa sheegtay in dadka reer falastiin ee deggan tuulada Khan Al-Axmar loo rari doono meel kale, balse dadka qorshahaasi Israa’iil dhaliilsan ayaa sheegaya in arrintani ay ka dhigan tahay in khasab lagu rarayo dadka tuuladaasi deggan.

Tuuladan ayaa ku taal qeyb ka mid ah dhulka ay Yuhuudda xoogga ku haysata ee daanta galbeed oo loo arko in uu yahay mid istaraatiiji ah oo u dhaxeeyo deegaannada Israaiil ee u dhow waddada weyn ee gasha magaalada Quddus.

Bedawiyiinta reer Falastiin ayaa tuuladaasi ku noolaa tan iyo 1950-meeyadii, waxaana tuuladaasi ku yaal iskuul ay dhistay hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Dowladdaha reer yurub ayaa aad uga soo horjeesaday in la dumiyo tuuladan, waxaana sarkaal sare oo British ah oo dhawaan halkaasi boqoday uu sheegay in qorshaha Israa’iil ee lagu duminayo tuuladani uu yahay mid aad looga walaaco.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii wasiirka gaashaandhigga Israa’iil uu shaaciyay in 2,500 oo guri oo cusub dadka Yuhuudda ahi looga dhisi doono daanta galbeed.

Marka la eego shuruucda caalamiga ahi, deegaannada ay Israa’iil halkaasi ka dhiseyso ayaa loo arkaa sharcidarro, inkastoo Israa’iil ay arrintaasi ku gacan seyrtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker