Dawlada Somalia oo Daahfurtay Xarun Lagala Socdo Bukaanada Xaalada Covid-19

Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelsiay xarunta dhexe ee xiriirka oo laga hagayo, talooyina laga siinayo dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19 iyo kuwa iskaga shakisan ee u baahan inay is-baadhaan.

 

 

Xaruntan oo si casri ah loo diyaariyay waxay ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah Covid19 ee 449, waxayna bukaannada ku xidhaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan.

 

 

Dadka xarunta soo waca oo 24 saac kasta oo gaadhaya 4,000 (Afar kun) oo qof oo kala jooga goballada dalka, ayaa kala ah Bukaanno sheeganaya calaamadaha cudurka balse ay xaaladdoodu fududdahay, Bukaanno xaaladdoodu adagtahay iyo Dad laga geeriyooday.

 

 

Bukaannada xaaladdoodu fududdahay waxay talooyin cafimaad ka helaan dhaqaatiirta xarunta ku sugan, Bukaannada xaaladdoodu adagtahay waxay xaruntu u dirtaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo isbitaal Martiini toos u geeya,

 

Dadka laga geeriyoodayna waxay xaruntu ku xariirisaa xafiisyada dowladaha hoose ee loo diyaariyay ka shaqeynta aaska meydadka looga shakisan yahay inay xanuunkan COVID-19 u geeriyoodeen.

 

 

Xarunta Dhexe ee Xidhiidhka ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadata ka wacyi-gelinta bulshada Khatarta uu leeyahay cudurkaan COVID-19.

 

Hirgelinta xaruntan ayaa meesha ka saareysa jahawareerka iyo walwalka ay la kulmayeen dadka isku arka astaamaha lagu garto Covid-19, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysaa uruurinta xogta dadka uu cudurku ku dhacay iyo kuwa ay xidhiidhka la yeesheen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker