Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa oo sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheda lagu dilay Qasa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay xili ay ku sii socdeen isbitaal ku yaala dhinaca koonfureed ee Qasa, Isniintii.

Waxay sheegtay in shaqaalaheedu ay la socdeen gaari UN-tu leedahay kuna sii jeedeen isbitaal yurubiyaan ah oo ku dhaw Rafax markii uu rasaasi haleeshay.

Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ma sheegin cidda ay u maleynayso in ay masuul ka ahayd weerarka.

Miltariga Israa’iil ayaa sheegay in baarista horudhaca ah ay muujinayso in gaariga ay haleeshay rasaas isagoo maraya aag iska hor’imaad uu ka jiray, isla markaana aan lala socon in uu halkaas soo mari doono.

Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay heleen warbixin uga timid waaxda amaanka iyo nabadgalyada ee Qaramada Midoobay (UNDSS) taas oo lagu sheegayo in labo shaqaalahooda kamid ah lagu dhaawacay aagga Rafax – dhinaca koonfureed ee Qasa – Isniintii.

Ciidamada Israa’iil waxa ay intaa ku dareen in dib u eegis ku socoto shilkaas.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ‘’aad uga naxay’’ markii uu ogaaday dhimashada shaqaalaha, isagoo tacsi u diray qoyskiisa, sida uu sheegay afhayeenkiisa Farxaan Xaq oo warbixin qoraala soo saaray.

‘’Xoghayaha Guud waxa uu cambaareynayaa dhammaan weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha UN-ka, wuxuna ku baaqayaa in baaritaan buuxa la sameeyo,’’ ayuu intaa ku daray Farxaan Xaq.

Warbixin kale oo gaara, Guterres ayaa ku sheegay in in ka badan 190 qof oo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay lagu dilay Qasa tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Israa’iil ayaa qaaday duulaankeeda Qasa, iyadoo ujeedku yahay in la burburiyo Xamaas – oo maamusha Qasa – markaas oo ay ka jawaab celineysay, weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7 Oktoobar, weerarkaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, laguna qafaashay 252 qof oo kale.

In ka badan 35,090 qof ayaa lagu dilay Qasa markaa wixii ka dambeeyay, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Qasa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker