Sucuudiga oo Afka Ciida Loo Daray Codayntii Shalay ee Qaramada Midoobay

Geneva (OWN) – Saudi Arabia ayaa Talaadadi ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

 

Hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka.

 

Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan.

 

Dalkaas ayaa saddex sano mid ahaan doona Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaaban doonaa koowad bisha Jannuary ee sannadka 2021.

Sacuudiga oo dhaqaale xoogan ku bixiyo QM, ayay khubarradu sheegeen, inuu ku waayay kursiga uu u tartamay,

 

Dagaalka uu ka wado Yemen oo sababay masiibo bani,aadannimo tii ugu xumeyd ee aduunka lagu arko sannadihi dhawaa.

 

Iyo dilkii wariye Jamal Kashikji oo lagu eedeeyay inuu amarkiisa lahaa dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

 

Ka mid noqoshada dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka mid noqdeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ,Ayaa cambaareyn xoogan kala kulmay hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker