Kenya Oo Shaacisay Inay Dhaqan-galisay Heshiiskii ay kala Saxiixdeen Farmaajo & Kenyatta.(Akhriso)

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah u dhaqan-gelisay Heshiiskii ay Madaxda labada dal ee Somalia iyo Kenya ku gaadheen magaalada Nairobi Badhtamihii bishan.

 

Wasaarada Arrimaha dibeda ee dowlada Kenya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in dowlada Kenya ay joojisay duulimaadyada Muqdisho ee ku soo jeeda Nairobi inay soo maraan magaalada Wajeer.

 

Sidoo kale diblomaasiyiinta Soomaliyeed iyo Xildhibaanada dowlada Soomaaliya ayay sheegtay iney Viisaha Kenya ka qaataan gudaha Kenya, iyadoo intaas ku dartay inay ka go’an tahay inay fuliso heshiisyada labada dal ay kala Saxiixdeen lana Saxay Qaladaadkii soo dhexgalay Xidhiidhka labada Dal.

Hoos ka Akhriso;

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker