Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo oo Xabsiga dhigay Weriye-Darwiish

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo Maxamed Axmed Olol ayaa maanta wuxu xidhay Weriye-C/laahi Xuseen Darwiish oo ka hawlgala Telefishanka Somali Cable TV. Waxana weriyahan laxidhay saaka xilli sida lasheegay uu kusugnaa xayndaabka maxkamadaha Ceerigaabo.

Waxana wararku sheegayaan in Guddoomiyahaasi askartiisa ku amray qabashada weriyahan islamarkaasna si defdeg ah xabsi xalaalayn toddiba casho ah u jaray sidaasna uu xabsiga dhexe ee Ceerigaabo ugu xidhan yahay weriyahaasi.

Dhinaca kalena ma cadda sababta guddoomiyahaasi ku xidhay weriyaha waxase wararka qaarkood sheegayaan in guddoomiyahaas oo ah nin dhallinyaro ah oo dhowaan xilkaas loo magcaabay uu hadallo  bartiisa Facebook-ga weriyahan lagu qoray u haysto weriyahaas.

.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker