QABIILKII AKHIRAY REER IFRIIQIYA W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)
Markii eebe weyne aadmiga abuuray wuxu u kala dhigay dad kala gedisan midab ahaan, luuqad ahaan, degaan ahaan iyo shucuub ahaanba.
Wuxu eebe weyne u sameeyey ibnu aadmiga qabiilooyin ay ku abtirsadaan kuwaas oo u jeedada ka dambaysana uu inoogu sheegay inaynu isku garano oo isku garwaaqsano sida ku cad aayada aayada 13aad ee suurada xujuraad ee quraanka kariimka ah.
Gabaygan wuxu kamid yahay tiirarka Suugaanta Xaajiga, waa gabay dhaxalgal ah oo abwaanku sida farshaxanimadu ku dhantahay inoogu soo tabiyey una falkiyey, wuxu si dhaba inoo dareensiinayaa foolxumada qabyaalada reer ifriiqiya lagu saliday. Sanadkii 1971-kii ayuu xaajigu curiyey gabaygan. Waxa gabayga dhexdiisa ku jira aftahamo dheeraad ah oo xaajiga suugaantiisa baadisooc u ahayd, xaajiga laftiisa ayaa isku metelay inu yahay qabyaaladii oo soconaysa,wuxu sidoo kale soo banbixinayaa dhibaatooyinka qabyaalada, qabyaaladii colaadaha iyo abaaruhu ay ka unkami jireen, qabyaaladii iblays iyo odayo shaydaan ay aabaha u ahaayeen, qabyaaladii abtir kala sooca dugsiga lagu barto ahayd, qabyaaladii laba u qaybisay duul walaalo ah oo qaarna sab u bixiyey qaarna aji u baxshay, qabyaaladii dadka isku dirtay, wuxu xaajigu magac dhabayaa qaar kamid ah madaxdhaqameedyada qabyaalada kool-kooliya sida ugaasyada, cuqaasha, suldaanka iyo islowga kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa abaabula fidnada laysku aayiro, gabogabada gabayga ayuu xaajigu inooga waramayaa sidii aan uga fogaan lahayn dhibka qabyaalada, isagoo bulshada soomaliyeed uga tibix siiyey war macnihiisu yahay magaca qabyaaladeed waad ku ambanaysaan ee ha sheegsheegina hadii sidaa aad yeeli weydaan ninkii lagu arkoow waxaad tahay nin eeday waxaanu yidhi:
Waxaan ahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya’e
Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane
Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaaye
Waxay dhalay ibliisiyo jin iyo odayo sheydaane
Abtirsiino kala sooca baa ii iskuulla ahe
Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe
Dabkaan ololiyaa lagu gubtaa meel haddaan imiye
Iimaan la’aantiyo dhibtaan abid jeclaadaaye
Awood waxaan u leeyahay khilaaf inan abuuraaye
Isku diridda iyo baan aqaan laydinka adkaaye
Amniga iyo nabaddaanan rabin abid xayaadkaye
Axmaqiyo afyuun-baallahaan la arrin yeeshaaye
Ugaas iyo suldaan iyo niman afmiishaara
Waxa talada aad iila wada waa islowyada’e
Iyagaa abaabula fidnada laysku aayiro’e
In intaan u kala qaybiyoo lays afgaran waayo
Awlax iyo markii laysku rido ololka maadhiinka
Oo qaar naftii ka alwataan anafo baanaaye
Ayaa hebel lahaa waa midaan ku is-tareexaaye
Alla jabay halkii laga yidhaan agabta geystaaye
Billad oohinaan kii wax dilay ugu ikraamaaye
Ooryaha ganbo cad loo xidhaa aniga way iide
Intii aan arwaax diley ka badan ubaxa geedaaye
Iyadoon adduunkaba mulkiyey oon cidi i eegaynin
Axraar baa kacdiyo geesiyaal aarmigii sida’e
Inqilaabku goortuu dhacaye Tawraddu islaaxday
Ee odayadii layga xidhay ii arriminaayey
Awel baan ogaa inaan wakhtigu i oggolaanayne
Oktoobariyo xooggay diloo eeday labadiiye
Soomaalidaan kala eryeyaa laysu soo ulaye
Anigana waxay igu amreen inay i aasaane
Ugaas iyo Suldaan iyo Islow iyo Afmiishaarro
Kuwii igu ugaadhsanahayee ii abtirinaayey
I inkire dadkaan aaminiyo odaygii beeldaaqe
Eebiyo warmay ila dhaceen inammadoodiye
Markaan aah idhaahdoba budh bay oof i jebiyeene
Afka dhoobo iga saare iyo ciiday urursheene
Intay oog shideen bay batrool igu afuufeene
Igu oriye goortay xabaal igu adkeeyeene
Isticmaarka iyo dibusocdaha eeday taladoode
Markan anigu Aakhiro tegey iyo ololkii naareede
Ha adkurina magacayga waad ku ambanaysaane
Haddii kale ninkii lagu arkow eeday reer hebele.
W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)