Sida Ay Somalilaan Uga Badbaadday Mandaqad Aan Xasilloonayn

Si ka duwan Soomaaliyada saaqidday ee la jaarka ah, Somaliland, waxay ka dheeraatay faragalinta Maraykanka, caawimada dibadda iyo dayn shisheeyuhu siiyo MICHAEL HORTON

Maraykanku waxa uu ku lug lahaa dagaallada Somalia 26 sano, haddii lagu daro taageeradii uu siin jiray kaligii taliyihii Siyaad barren ku dhawaad qarni badhkii

Maraykanku muxuu ka faa’idaya balaayiinka dollar ee lagu kharash gareeyay hubaynta iyo taageerada kooxaha kala duwan ee Somalia? Jawaabtu waa wax yar.

Dawladda Somalia waxa lagu tiriyaa dawladaha ugu musuqmaasuqa badan dunida waxaanay ka talisaa oo kaliya qayb ka mid ah caasimadda Muqdisho

Inkasta oo taageero millatari oo  xad dhaaf ah la siiyay isla markaana ay joogaan boqollaal ka mid ah ciidammada maraykanka iyo kumannaan ah ciidammada Afrikaanka ee AMISOM(African Union Mission to Somalia), haddana dalka inta badan waxa ka talisa Al-Shabaab, oo ah urur xidhiidh la leh Al-qaacida, iyo kooxo kale oo hubaysan.

Dadka shisheeyaha ah ee Ka baxaya soonka cagaaran ee Muqdisho,waxa ay u baahanyihiin kolonyo xoog u hubaysan. Safarka Muqdisho dibaddeeduna suurtagal ba maaha siday doonaan ha hubaysnaadaan kolonyadaasiye.

Xataa gudaha soonka cagaaran, ee Villa Somalia, oo ah xarunta madaxweynaha, Al-shabaab way ka war hayaan waxa ay samaynayaan madaxda dawladdu iyo dhaqdhaqaaqooda.

In badanna AL-shabaab waxa ay weerar ku qaaddaa meelaha ugu ilaalinta xooggan , kuwii ugu danbeeyayna waxa ka mid ahayd markii qof naftiisa biimiye ahi uu qarax ku dilay maayirkii muqdisho ee sida weyn loo ilaalin jiray.

Iyada oo ay guuldarrooyinkaas oo dhammi jiraan, haddana dawladda maraykanku waxay sii kordhinaysaa joogitaankeeda ciidan ee Soomaaliya iyo caawimadii ay siinaysay dawladda adduunka ugu musuqmaasuqa xun.

Faragalinta ciidan guusha laga gaadho ujeeddooyinkii laga helaa waa mid kooban, xataa haddii ay yihiin ujeeddooyinkaasi qaar si cad u qeexan. Taa baddalkeeda waxay abuuraan dhibaatooyin fara badan oo aan markii hore la arkayn, laguna talo galin- inta badanna ah kuwa dhanka xun u dhaca, ama dhanka taban. Ciidan badan iyo dhaqaale badan ayaa loo baahdaa inta badan si loola tacaalo cawaaqibka aan kula talo galka ahayn, iyada oo wixii markii hore faro galinta keenayna sii jiraan. Taasina waxay noqotaa dabar faragalintii ciidan halkeedii ku sii adkeeya oo aan laga bixi Karin. Waxaana faa’iido waalli ah ka hela boqollaalka shirkadood ee bixiya adeegyada, qandaraasyada iyo hubka ee maraykanka. Arrintaasi uma fiicna ciidammada maraykanka ee dagaallamaya kuna dhimanaya, cashuur bixiyayaashii markii horeba laga qaaday kharashka, iyo dadka ku nool dalalka maraykanku faro galinta ku samaynayo.  Waxa la odhan karaa meelaha ay faro galintu sunta ku noqotay ee dal la mid ahi uu yaryahay waxa ka mid ah Soomaaliya.

Dhanka kale waxa lagu doodi karaa inaanu jirin dal la mid ah oo samaystay wadiiqo uu jeexday, oo la barbardhigi karo dalka aan wali la aqoonsan ee Somaliland. Somaliland waxay madaxbannaannideeda ku dhawaaqday 1991kii kadib dagaallo ay la gashay kalidii taliye Siyaad Barre.

Somaliland oo ahayd maxmiyad Ingiriis(British protectorate), muddo kooban ayay madax bannaani ku naalloonaysay, ka hor intaany ku biirin dalkii markaa loo yaqaannay Italian Somalia, iyaga oo sameeyay dawladdii Somalia. Somaliland waxay ka nabad gashay farogalin caalami ah, waxaanay wax u maamulatay sidii dadkeedu u arkayeen inay ku habboontahay

Natiijadiina waxay noqotay mid yaab leh marka la barbardhigo hannaanka musuqmaasuqa iyo xasillooni la’aanta ah ee Somalia caabuqa ku noqday.

Laga soo bilaabo 1991kii, dadka reer Somaliland waxay samaysteen dastuur, waxay taageen hannaan dawladnimo oo iyaga u gaar ah, waxay qabsadeen doorashooyin madaxweyne iyo kuwo Baarlamaan, isla markaana waxay ka difaaceen al-Shabaan iyo kooxo kale oo mitid ah inay soo galaan dalkooda.

Weerarkii ugu danbeeyay ee al-Shabaab ku soo qaaddo waxa uu ahaa 2008dii. Hargeysa oo ay ku noolyihiin ku dhawaad hal milyan oo qof(1 Million people), qiyaastii waa maaalada ugu amniga badan Afrika. Xataa danbiyada yaryar ee aan sidaa u ii weynayni waa dhif iyo naadir. Inkasta oo ay jiraan meelo aan degganayn oo dhanka bariga ah iyo meelaha xuduudaha ah, haddana dalka intiisa badan waa ammaan waxaana gacanta ku haysa dawladda Somaliland ee la doortay.

Somaliland waxay degganaantaa gaadhay iyada oo jaarkeedu gubanayo, iyada oo cidina ka caawin, amaaho dibadeedna aan helin. May jirin la taliyayaal caalami ah oo u sheegay sida uu u ekaanayo qaab-dhismeedka dawladdooda, wanaajinta ammaanka, ama soo xerayntii ciidanka, taa baddalkeeda waxay u yagleeleen hay’adahaas oo dhan hannaan ku habboon baahiyahooda gaarka ah iyo waaqacooda dhaqan dhaqaale.

Baahiyahaas iyo duruufo ay iyagu si fiican u fahmi karayaan. Taasina waa sababta hay’adahii ay samaysteen ay ugu shaqeeyeen siday doonayeen.

Qodobkaasina waa mid inta badan saraakiisha dawladda iyo muwaadiniintuba si fiican iigu dul istaageen intii aan booqashada ku joogay Somaliland. Sheeko aad u dheer oo na dhex martay madaxweynaha, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda hannaanka asaliga ah ee ay u mareen dawladnimada. “ annaga ayaa wax u qabsannay sidii ku habboonayd dadkayaga iyo dhaqankayaga, dadkayaguna qaadan karayeen” ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Dawladnimadayadu maaha mid dusha nalagaga keenay, waxaanu samaysannay hannaan noo gaar ah oo illaa immika shaqaynaya”.

Somalia iyada waxa fara galin ku sameeyay Maraykanka, qaramada midoobay, ururro, iyo dalal kale, kuwaas oo u fidinayay caawimo islamarkaana la talinayay tobannaan sano. Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Somalilaan ayaa ku adkaystay in xaaladda Somalia sidan maanta ka duwanaan lahayd haddii aan wakhtigaa dheer faraha lagula jireen.

 

 

C.raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker