Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Ingiriisku usoo magacawday JSL

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dawladda Boqortooyada Ingiriisku dhowaan u soo magacawday  Somaliland, Ambassador Lizzie Walker.
Kulankan oo uu Wasiirka ku wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, ayaa waxaa lagu lafa-guray arrimo badan oo muhiim ah, iyada oo ugu horayn uu Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, u hambalyey Safiirada Cusub, soona dhoweeyey.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaalada guud ee dalka Somaliland, qaar ahaana nabadgelyada, iyada oo safiiradu Somaliland aad ugu ammaantay nabadgelyada iyo horuumarka dalka ka socda.
Sidoo kale waxaa laga wada hadlay iskaashiga labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kaas oo soo jirey muddo dheer. Arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta Ururada ayaa iyana labada dhinac ka wada hadleen. waxaa kale oo laga wada hadlay taageeradii ay baarlamaanka Ingiriisku u muujiyeen Somaliland iyo doodii muhiimka ahayd ee ka dhacday Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker