Hal Xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma Dhasho W/Q: Axmed Bashir

Dhibaatooyinka ugu waa-wayn oo maanta Soomaaliya haysta waxaa ka mid ah oday dhaqameedyada laaluushka qaata oo aan kala jeclayn xalaal iyo xaaraan, adduun iyo aakhiro, horumar iyo bur-bur, nolol iyo rafaad.

Oday dhaqamadeedyadii waagii hore waxay ahaayeen odayaal sharaf leh oo dhaqan wanaagsan, diinta wax ka garanaya, xalaal miirad ah, rag iska celiya Rabbina ka baqa oo cadaalad ku xalliya khilaafaadka dhex mara beelaha wada dega. Kuwa waayahaan joogana waa kuwo badankoodu yahiin dhuuni qaatayaal xaaraan cun ah oo aan u naxayn dal iyo dad toona.

Soomaalidu waxay diraahdaa Madax Muuqda iyo Middi Saawir ah Midna Lagama Quustee, odayaashii noocaas ahaa oo xaraan quutayaasha ahaa baa maanta taladii iyo mustaqbalkii Soomaaliya gacanta loo gailyay oo la yiri soo xula xildhibaanadii dejin lahaa sharciyadii waddanka lagu maamuli lahaa. Odayashii markaas bay waxay sameeyeen wax aan laga filayay oo aha inay keenaan xildhibaano aan lagu soo dooran waddaniyad , aqoon, waayo aragnimo, karti, dhowrsanaan, mudnaan, iwm.

Bil caksi, waxay soo xuleen xubno midba mid kale ka liito kuwaas oo ku soo baxay laaluush badan oo ay bixiyeen. Laakiin waxay ahayd in la fahmo in qof xun oo liita uusan keeni karin mid isaga ka fiican ee wuxuu keenaa mid isaga ka sii liita waayo haddii uu keeno qof fiican oo leh waddaniyad, aqoon, amaano, iyo sharafwaxaa soo if-baxaya oo dadku wada arkayaan ceebihii odayga.

Maxaa laga fili karaa xidhibaano ku soo baxay laaluush ee aan ku soo bixin mudnaan?

Xildhibaan mushaarkiisu uusan ka badnayn dhowr kun oo dollar laakiin bixiya laaluush gaari kara boqolaal kun oo dollar oo uu siiyay oday dhaqameedka beeshiisa lagama fili karo inuu u shaqeeyo danta waddanka amaba xataa tan gobolkiisa waayo waxa ku taagan sidii uu u soo ceshan lahaa lacagtii uga baxday doorashdiisii xildhibaanimdad.

Sidaa awgeed wuxuu ku dadaalayaa inuu isaguna laaluush ka qaato cid alla ciddii codkiisa rabta, lacagna diyaar la ah, isagoo aan u aaba yeelayn qadiyadda codka looga gadanayo iyo saamaynta ay ku yeelan maslaxadda waddanka, iyo middii deegaankii laga doortay labadaba. Sidoo kale ma kala jecla dhaartii ay xildhibaanadaasi mareen oo ahayd inay had iyo jeer ka shaqayn doonaan maslaxadda waddanka, una hoggaansami doonaan sharciga iyo dastuurka waddanka u yaal.

Waxaa taas ka sii daran xildhibaankii waaya cid uu laaluush ka qaato wuxuu isu beddalaa mucaarad meel walba ka hadla, lana shaqeeya shisheeye raba inaysan Soomaaliya ka bixin dawlad la’aanta ka dhalatay dagaalkii sokeeye. Markay wax mucaaradanayana kama hadlaan kala duwanaasho mabda’, siyaasad, wax qabad, ama aragti xisbi ee waxay daba dhigtaan shakhsi iyo kursi.

Ugu tambayn khilaaf siyaasadeed kasta oo Somaaliya dhex yaal waxaa asal u ah Oday dhaqameedyada laaluush cunka ah oo soo xula xildhibaano aan u qalmin in talada waddanka gacanta loo galiyo. Oday dhaqameed xaaraan cun ahina ma keeni karo xildhibaan wanaagsan.

Maxaa Xal ah?

In oday dhaqameedyadu ku ekaadaan doorkooda odaynimo, doorna aysan ku yeelan siyaasadda iyo maamulka dawladda.
In si tartiib-tariib ah looga guuro nidaamka oday dhamqameedka iyo qabiilka loona guuro nidaam horumasan oo dad waddaniyiin ah oo leh aqoon kuna yimid doorasho iyo rabitaanka dadkooda lagu beddelo oday dhaqameedyada waddanka ragaadiyay.
In xil kasta oo dawladda dhexe ama kuwa maamul goboleedyada laga qabanayo loo soo maro doorasho qof-iyo-cod ah.
In dastuurka lagu qeexo xuquuda ay isku leeyihiin maamullada kala duwan ee dalka ka jira.
Sayid Maxamed Cabdille Xasan isagoo ka hadlaya siduu u diiday laaluushkii gumaystayaashii Ingriiska iyo Talyaaniga, wuxuu yiri:

… Anaa diiday maantuu lahaa, deeqdan iga hooye

Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede

Anaan labada daarood tan hore, derajo moodayne. …

Maanta Soomaaliya ma laga heli karaa siyaasisiin, xildhibaano, oday dhaqameedyo, ganacsato, iyo wadaado sidii Sayidka oo kale wax u arka oo diida inay dalkooda iyo dadkooda siistaan lacag cadowga Soomaalidu qaybinayo?

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker