Sheeko Kale: Furii Baan Baadhayaa By: Cabdisalaam Yaasiin

Juxaa ayaa goor habeen ah meel iftiin ah oo xaafaddiisa ahayd bilaaabay in uu baadh baadho. Ciiddii ayuu faraa la galay oo kolba dhinac u rogay. Dadkii jaarka ahaa ayaa u yimi.
Waxay ku yidhaadeen, “Juxaa, maxaa kaa lumay ee aad baadhaysaa?”
“Furihii guriga ayaa iga lumay,” ayuu u celiyay.
Ka dibana jaarkii ayaa bilaabay in ay furihii ciidda kala baadhaan. Markii ay in xilli ah baadhayeen, ayay ciiddii waxba ka waayeen.
Mid ka mid ah jaarkii ayaa Juxa weydiiyay, ‘Halkee furuhu kaaga lumay?”
“Guriga gudihii ayuu,” ayuu u celiaya Juxa.
“Haddaa maxaad halkan u baadhaysaa,” ayuu weydiyay jaarki.
“Halkani iftiin ayay leedahay,” ayuu u celiyay Juaxaa!!!

 

 

By: Cabdisalaam Yaasiin

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker