Ma Dhabaa Ina Cabdulle Xasan Waa Gabyi Jiray. Q.2aad.

Waxa ku xigay baadari Talyanai ah Jean Marie Palermo oo ururiyay suugaan gabayo u badan[1] 1912-1913 sanadii Xaaraame Cune. Oo u ka caawiyay nin la odhan jiray Luigi Salol[2]. Waxa ka hubiyay qoraalada oo faafreebay una saxay odayaal Somali ahaa: Cabdale Cismaan oo Majeerteen ahaa, Ismaaciil guuleed oo warsangali ahaa, Cali Buraale oo Habar Garxajis ah, Ducaale Warfaa oo Habar Awal ahaa, iyo Maxamed Axmed Sarmaan oo tarjumaanka maxkamada Cadan ka ahaa. oo Habar Jeclo ahaa. Gabayo goosgoos ah ayuu soo qaadanayaa Giovanni Maria oo dadyawgii ka soo hor jeeday Daraawiishta dhibataadoodii ka tiriyeen. Gabaydaas waxa ka mid ah gabayadii Cali Jaamac Haabiil u mariyay Dhulbahnatii raacay Daraawiishta sanadihii 1899-1903dii. Gabay aan la sheegin qofkii tiriyay se lagu sheegay Cali Jaamac Haabiil ayaa suugaantaas ku jira labadan tuducna ka mid tahay.

Wadaad Waalan baa nooga yimi saba Nugaaleede[3]

Sayn iyo wixii soof lahaa naga sabooleeye.

 

Nin kalae na wuxu ku gabayay sanadkii 1900 dagaalakii Jigjiga ka dib :

 

Jirraab baa ku dhacay reer Isaaq meel u joogabo’e

Meeshi iyo Jigjiga dadkii joogay kala yaacye

Waatii magliga lagu jarjaray raradii joohknayde

Gini noqoay wadaadkay kal hore wada jeclaysteene. [4]

 

Gabayada wakhtigu noolaa la tiriyay ka sokow waxa jira gabayo raggi hore tiriyeen oo ka mid yahay gabaygii  Dirir Warsame oo isna intan ka soo qaatay:

 

Alilohow nin geeryooday baa gabay la taaraaye

Anu geerida kama naxo waa gu noo da’ye

Galbataye godka hadaad tagto oo gaadka lagu saaro

Waxad sii galbeiso ba hadaad aakhiro u gudubto

Hadaad guud-cadihii Yuusuf iyo odayadii gaadho

Karin gubai anna gosannyoo nala gunaadieye?

Sidii Gaaladii bay warmaha nagu garaaceen dhe.

Shan bilood galgalad baan ahaa go’ina noolayn dhe

Weli may gunaanadi jartay oo goysay axankii dhe.[5]

 

Waxa gabayada Daraawiish iyo gabayo kale ba isna wax ka ururiyay qoraa Talyaani ah oo la odhan jiray Enrico Cerulli (1898 – 1988). Enrico Cerulli, 1916kii isagoo ka shaqaynaya Asmara Eriteria ayaa akaadamiyada dalkiisa ee “Istituto Orientale di Napoli” ka codsatay inu soo ururiyo suugaan wuxu ka heli karo reeraa kala duwan ee geyga Soomaali dagan. Wuxu gabayo iyo sheekooyin iyo suugaan kale ba ka ururiyay, Habar Awal, Majeerteen, Mareexaan iyo Hawiye xilayadii 1916-1918kii.

Gabaydaas waxa ka mid ah gabaygii loo tiriyay Cali Jaamac Haabiil ee « HANFI IYO HUNRIGA SOO DHACA », waxa kaloo ka mid ah gabayga “ Tebiya oo Geeya” , waxa ka mid ah gabayga “ Jidka Adari loo Maro” iyo gabayo kale oo ay mariyeen Soomaalidii ku lidka ahayd Daraawiishta iyo darawiish ta laftooduba. Ayadoo gabayadas oo dhan qoranyiin wax ay daraawiishii soo tirisay iyo wax loogu jawaabayba , hadana marna qoraaladaas iyo waraysiyadaas Soomaalidii hore laga qoray , marna kuma jirto ina Cabdulle Xasan ayaa gabaygyadan leh ama gabayaa ahaa midna.Waxa isna ku jira gabayadaas u ururiyay Cerulli , Faarax Nuur iyo gabayaagii Maxamed Bulxan Cawar iyo Cali Jaamac Haabiil.[6]

Maxamed Cabdulle Xasan , waxay isku raaceen nimanka isku taxlujiyay taariikhdiisa iyo “suugaantiisa” inu intay dagaaladiii 1899-1904 socdeen inaanu gabayi jirrin Wadaadku. Ragaas waxa ka mid ah , Aw Jaamac Cumar Ciise , Siciid Sheekh Samatar iyo Daahir Afqarshe.

 

“ Laabaatankii sanadood ee Daraawiishi u dagaalamaysay gobonimada , Maxamed C. Xasan wuxu tiriyay gabayadii loogu aqoonsaday inu ahaa gabayaaga Soomaali ee ugu horeeya. Qiyaas kaste oo wax lagu qiyaaso Sayyid ka wuxu noqonayaa hobal awood culus miisaanka Soomaalina tooda hadii la saaro wuxu noqonayaa arbaha gabayga. Se waxa jirta arin qiyaastaas hore la moodo inay burinayso , sida nolosha kale ee Sayid Maxamed isu wada burinayso. Inkastuu ahaa nin-hadal ninka ugu horeeya marka loo eego nin-qalin ka, ayadoo taasi jirto hadana weligeed melena laguma hayo ninkaas oo gabay huladay ka hor markay d’adiisu gaadhay afratanyeeyo iyo dheeraad. Dadyawga u dhashay dalka waxay gebi ahaanba isku raaceen in Sayyidku gabaygiisii ugu horeeyay ahaa marka laga bilaabo 1904 tii (iyo wixii ka danbeeyay), mudo ku dhow 6 sanadood ka dib kici Daraawiishta.” [7]

 

Sidaa u Siciid Samatar sheegay ayay isku wada raaceen nimankaas isku taxalujiyey ururinta taariikhda Wadaadka ina Cabdulle Xasan. Gabay ina Cabdulle Xasan siday sheegeen waxa ugu horaysay 1904tii dagaalkii Jidbaale ka dib gabaygaasana waa gabaygay u bixiyeen ”Jiinley”. Waa arin ugub ah nin aan gabayba lagu aqoon , maalin kaliya ay ka soo burqameen tixiooyin fara badan weliba u ka higaadiyey xarafayda af soomaaliga ugu adag sida Jiinka. Sidu sheegay Siciid Samatar arintaas jaalayaasha Wadaadka waxay ku maareeyeen sidatan wuxu Siciid Samatar odhanyaa:

 

“ Markay tilmaamayaan midhiihisa gabay , xirtiisu waxay ku sheegaan arintaas wax si kadis ah u dhacay si mucjiso ahaan ah oo waxay ku sheegaan in “ lagu soo dagay”[8]. Sheikh Cali Siciid Madaxa tariiqada Saalixiyada Burco 1977, ayaa ka mid ahaa kooxdaas .

 

Labada buug ee Aw Jaamac Cumar Ciise ka qoray ina Cabdulle Xasan buuga diiwaanka gabayada[9] iyo buuga taariikhda Daraawiishta labadaas buug waxa cadaymo ama raad-raac waxa u ah dhowr iyo labatan nin oo u badan beeshiisa , oo isagu yidhi waxan waraystay xiliyadii u dhaxaysay 1954-1974.

 

Buuga diiwaanka gabayada waxa hordhiciisa ku daabacan waraaq u xoogahaya dawalada ee Wasaarada hiddaha iyo tacaliinta sare Jaalle Maxamed Aadan Sheekh qoray oo ku soo gabagabynayo eriyo hanjabaad ah,wuxu jaaluu odhanayaa:

 

“ Hase yeeshee , dad aan yarayn ayaa ku doodi doona : gabay hebel qabiil baa lagu soo qaaday ,mid keer kale dad baa lagu caayay : tolow miyey habboon tahay in imminka la qoro oo dadweynaha loo bandhigo?. Waxaanuu ugu jawaabeynaa dadkaas, in gabay ama hees kasta ay waqitigooda la d’a yihiin . Waxa kale muuqata in dadweynaha Soomaaliyeed uu gudbey heerkii qabiilku ka burji sarreeyey oo uu manta ku joogo dhabba cad oo wax wada qabsiga , Jaallennimada iyo kacaanimadu gacan sarreyso oo markaas si fudud loo ogaado qofkii gabayada qaarkood si gaar ah uga gubtaa uu yahay garaad-laawe , dabadhilif ka soo jeeda. Saas awgeed , wixii gabay , geeraar iyo jiifto Sayidka la hayey , oo saddex cay ah oo gaaban oo aanan nisbadoodu sugnayn ma ahee , intii kale halka ayey ku dhan yihiin,”

 

 

Hanjabaada jaalahaas kacaansan, ka sokow waxa fiiro gaar ah leh hadalada  suugaantii ”saydika” ee la hayey inay meesha ku dhantay aan ahayn saddex cay ah oo gaaban oo aanan nisbadooda sugnayn mooyaane.[10]

 

Buuga diiwaanka gabayada wuxu Aw Jaamac hordhaca ku odhanayaa:

 

” Gabayada buuggan ku qoran waxa la ururshey 1954-1974kii , waxaana laga qoray niman Daraawiish ahaa oo markii la marinaayay Xaruntii joogey , in kastoo maantay rag yari ka nool yahay.”.

 

Intaas ka dib ayuu Αw Jaamac 25 qof oo markaas u leeyay gabayadaas ayaan ka qoray/saxay soo tirinayaa, hasayeeshee waxay daraawiish ka ahaayeen ( waa haday ahaayeenba) ma sheegin , goortay dhasheen ama d’adoodana ma sheegin , se waxa laga dheehan karaa nimankaas u soo tiriyay gidigood inaanay niman mudakariin ahayn waagii Daraawiishta. Niman d’adoodu ahayd dhowr iyo konton ilaa lixdan kuwooda ugu weynaa ahaayeen kuwa kale na waabay ka yaraayeen. Ragaas u leeyay Aw Jaamac Cumar Ciise 1904 tii ayay goob-joog ka ahaayeen markii gabayadan qaarkood la tirinayay tolow magacood? Raggu soo tiriyay nin d’adaas ah kuma jiro , nin 1904kii ahaa ugu yaraan labaatan noolaana 60 sanadood ka dib haday xataa jiraan waa niman fara ku tiris ah oo magacyadooda la sheegi karo , se midna ma sheegin Aw Jaamac ragaas qaar ka mid ah.,

 

Raggu tix-raac ka dhingtay Aw Jaamac waxa ka mid ahaa Xaaji Maxamad Cawl Ileeye  oo noolaa ugu yaraan ilaa 1972 oo ka d’a yaraa Ismaaciil Mire,  Garaad Soofe Durraan Axmed oo geeryooday 1983, Maxamuud Xooshdheere geeryooday 1980. Garaad Cali Garaad Jaamac oo xijaabtay 1980. Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon waa ninkii u Aw Jaamac markhaati u soo qaatay in Ismaaciil Mire oo dagaalkaas Fardhidin qeyba ka ahayn ( 1901, inu dilay sarkaalkii la odhan jiray Fredrickson , Soomaaliduna u yaqaaneen Af-Carbeed, gacantana u jaray ka dibna Wadaadka la hor tagay). Xaaji Axmed Aaden Surgo oo ugu yaraan noolaa ilaa 1973. Ciise-Fikad Faarax oo nooolaa isna 1973. Xuseen-Aabi Cilmi Xaasey 1973. Abokor Seed Cali weli noolaa 1973. Soofe Cali Buraale oo noolaa 1973. Caasha Sheekh Cabdille oo 1972 soo gaadhay. Waxa is weydiin leh dadkaasi wada noolaa 1970-1980 halkay Daraawiish ka ahaayeen iyo d’aday Daraawiish ku noqdeen?,


[1] Grammatica della lingua somala…Giovanni Maria da Palermo.1914.

 

[2] Habar Jeclo, Nuux, reer Daahir

[3] Sida qaafiyada gabayga ku saxada ah eriga “ wadaad” waxay u badantay inu “ suufi” ku saxsanaa halkaasi oo la qalday.

[4] Grammatica della lingua somala…Giovanni Maria da Palermo.1914.p.323

 

[5] Grammatica della lingua somala…Giovanni Maria da Palermo.1914. p.321-322.

[6] Caanaha horaad uga qubtaye ciidii ku timiye 

Goortay cidhiidhi gashee col iyo qaad joogto 

Ceeb weeye Carrow ninkii soo calaacalaye. 

 

Qabqab dhaaftay laba qabiil qaran ku waydaaye 

Qaabiilba Haabiil marku qoonsaduu dilayeP.815.

 

 

7 Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982.p.137.

[8] Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982.p.137.

[9] WASAARADDA HIDDAHA IYO TACLIINTA SARE Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan URURINTII KOOWAAD Waxaa Ururiyey: Sheekh Jaamac Cumar Ciise.1974

[10] Gabaydas wuxu uga jeedaa gabayadii sedex dumar ah loo mariyay , Koofil Walaashii, Dhiimo Ciise iyo ina Keenadiid.

Rashid Jaamac
kayse78@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker