“Ma Hayno Meel Uu Maxamuud Xaashi Ku Yidhi WADDANI Ayaan ku Biiray, Isaga Oo KULMIYE Ah Ayaa Noogu War Dambaysay..”

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii u horreeysay ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey soo baxayey oo la xidhiidhay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Xisbiga Waddani.

Axmed Xirsi Ducaale, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Ninkaas siyaasiga ah ee aad magacowday, Maxamuud Xaashi, waa siyaasi reer Somaliland ah, illaa imika lama arag annaguna ma hayno meel uu ku yidhi Waddani ayaan ku soo galay amma soo biiray,. Isaga oo ah Xisbiga Kulmiye noogu dambaysay, siyaasi Kulmiye ka tirsan ayuu ahaa, oo ay is qabteen hoggaanka Kulmiye is hayntoodii Kulmiye noogu war dambaysay, markaa sabab loo yidhaahdo Waddani ayaa lagu wareejinayaa ma garanayo, wareejinta waxa ka horeysa inuu Waddani yimaado, oo uu Xisbiga ka mid noqdo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker